Hargeysa (SLpost)- Shikadda ganacsida ee Dollar ย Store, ayaa maanta deeqย qalabka ciyaaraha ah Gudoonsiisay xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Hawd kaas oo ka kooban guud ahaan labiskii ay kaga qaybgali lahaayeen ciyaaraha Gobolada.
Shirkada Dollar sida oo kale waxay Wasaarada ciyaaraha Gudoonsiisay koobkii ciyaaraha Gobolada ee sannadkan oo uu ย ka Guddoomay Wasiirka wasaarada Dhalinyaradda iyoย ย Ciyaarahaย ย Somaliland Md Cali Siciid Raygal.
Munaasibada qalabka lagula kala wareegaย oo ka dhacday Hotel Crown ee magaalada Hargaysa ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaara Cali Siciid Raygal,Mulkiilah Shirkada Ganacsiga ee Dollar Store Axmed Cumar Cali, Maayar ku-xigeenka caasimad Cabdicasiis Maxamed Xaashi, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji), Badhasaabka Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre, Agaasimaha dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Mustafe Qodox iyo Xidhibaanno ka tirsan Golaha deeganka caasimadda.
Ugu horeyn halkaasi waxa hadal kooban ka jeediyey Mulkiilaha Shirkada Dollar Store Axmed Cumar Cali oo faahfaahin ka bixiyey qalabka ay ku wareejinayaan Kooxda kubadda cagta ee Gobolka Howd โWaxaan kooxdan qiimaha badan ee magaca Gobolka Hawd ku ciyaarta ku gudoonsiinayaaย deeq dhamaystiran oo isugu jirta qalabka ciyaaraha dhamaan wuxuu nin ciyaartoy ahi u baahnaan laha oo dhan, Doorkan waxay Himiladayadu ahayd inaanu qalabka ciyaartoyga siino Gobolka Hawd maadaam oo ay jiraan shirkado kale oo ciyaartoyda kale siiyey qalabkan oo kale.โayuu yidhi Mulkiilaha shirkadda Dollar Storte Axmed Cumar Cali
Mulkiiluhu wuxuu sheegay inay kooxdan ay qalabka guddoonsiinayaan ugu soo xusheen koox qab-ciyaareed fiican leh โAnagoo kooxdan waxaanu kugu xulanay inay yihiin koox aad iyo aad u dhisanย una carbisan qaabka ciyaartoyga oo ah kooxd dhamaystiran kooxd ahaan iyo ciyaaertoy ahaan, laakiin waa inuu ciyaartoygu iska ilaaliya haddii oo doonayo inuu jidhkiisu dhisnaado balwaddaha sida qaadka iyo mandooriyaasha kaleโ.
Sidoo mulkiilaha shirkada Dollar Storeย ย wuxuu wasaarada ciyaara ku wareeyey koobkii ciyaaraha ee sannankan 2013-ka loo dhigi laha tartanka ciyaaraha ย Gobolada Somaliland waxaanu sheegay inay ugu bushaaraynayaa inay dhamaan ciyaartoyda reer Somaliland inay koobkani yahay deeq ka dhaxaysa โWaxaa kale oo aanu halkan wasiirka ku gudoon siinaynaa koobkii aanu ugu talo galay ciyaaraha oo aanaan markii hore iclaamin koobkana wuxuu ka dhaxeeyaa jamhuuriyada Somaliland waxaana wakiil ka ah wasaarada ciyaarahaโ.
Dhinac kale Wasiirka ciyaaraha Cali Siciid Raygal ayaa dhalinyaradda kula dardaaramay inay meel uga soo wadda jeestaan cidkasta oo fidno dhex dhigaysa,isagoo ciyaartoyda ugu baaqay in la kala saaro qabyaaladda iyo qaranimadda oo la ilaaliyo nabadgelyad Somaliland.
Munaasibadda waxa sidoo kale halka dirayska ciyaartoyga Gobolka Hawd kala wareega tobabaraha kooxdaasi oo uga mahad celiyey sida fiican ee ay dadaalka ugu muujiyeen ka gacan gaysashada iyo tabarucaadka ay kaga qayb qaateen daryeelka qalabka ciyaaraha ee ugu deeqeen
Gebagebadii waxaa munaasibada hadalo dardaaran iyo hoga tusaalan ah isugu jirta ka soo jeediyey Badhasaabadda goboladda Hawd iy Maroodijeex iyo Maayar ku xigeenka Caasimadda iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka caasimad oo dhamaantood ciyaartoyda ku booriyey inay ka shaqeeyaan nabadgelyadda iyo is-dhexgalka bulashadda iyo in meel looga soo wadda jeesto qarannimad Jamhuuriyadda Somaliland.
Somalilandpost/Hargeysa