Hargeisa, (SLpost) โ Shirkadda Dahabshiil ayaa ka qayb-gashay shir Caalami ah oo toddobaadkii hore ka dhacay magaaladaย Romeย ee dalka Talyaaniga, isla markaasna lagaga hadlayay kaalinta Qurbe-joogta dunidu ka qaataan horumarinta dalalkooda.
Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaa shalay Saxaafadda u sheegay isaga oo jooga magaalada Hargeysa, in shirkan ay soo agaasintay heyโadda horumarinta beeraha ee IFAD, isla markaasna lagaga hadlay kaalinta qurbe-joogta dunidu ka qaadan karaan maal-gashiga dalalkooda iyo horumarinta beeraha iyo reer-miyiga.
โQurbejooggu waxay kaalin weyn kaga jiraan horumarinta dalalka ay ka soo jeedaan, ha noqoto xagga maalgelinta, ganacsiga, abuurista xirfado badan iyo fursado shaqo, horumarinta beeraha, iyo taakulaynta qoysaska iyo mujtamaca danleyda ah, iyo la-dagaallanka saboolnnimadaโ, ayuu yidhi maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid Ducaale oo ka warramayay qaybo ka mid ah khudbad uu ka jeediyey shir-sannadeedka hayโadda horumarinta beeraha ee IFAD oo qabsoomay bishan 17-keedii.
Qurbe-joogta dunida ayaa lagu qiyaasay illaa 215 Malyan oo qof, iyada oo cilmi-baadhis la sameeyey lagu ogaadey in shan iyo afartankii sanno ee ugu danbeeyey oo keli ah ay saddex-jibbaarantay tirada dadka qurbajoogta ah ee ka dhoofay dalalkooda. Sanaddii 2010-kii, waxa lagu qiyaasay in qurbe-joogtaasi ay dib ugu geliyeen dalalkooda illaa $325 Bilyan oo dollar, iyaga oo adeegsanaya qaabab xawaaladeed, maalgelin, ganacsi, dalxiis iyo deeqo taakulayneed.
Sidoo kale, Qurbajoogta Soomaalida ah ee debadaha ku nool ayaa iyaguna kaalin ka qaata waxtarka dadkooda, iyaga oo sannad kasta xawila lacag xaddi ahaan ka badan marka la isku geeyo dhammaan mucaawanooyinka adduunka iyo maalgelinta debadeed ee la siiyo Soomaalida.
Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil waxa uu sheegay in shirkadaha ugu waaweyn ee suurtogeliya adeeggan ay horseed u tahay Shirkadda Dahabshiil oo ah Shirkad caalami ah oo ka hawl gasha in ka badan 150 dal oo adduunka ah. โAdeegyada Dahabshiil waxa ku jira xawaaladaha tooska ah, kuwa ganacsiga, kuwa heyadaha caalmiga, NGO-yada iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa, iyo sarrifka lacagaha adduunka ee adag, iyada oo adeegsanaysa tiknoolojiyadda casriga ah ee isgaadhsiinta noocyadeeda kala geddisan, si ay u qabato adeeg dhakhso badan, oo sugan, oo hufan, isla markaasina aamin ah, una hoggaansan shuruucda caalamiga ahโ ayuu mar kale yidhi Md. Ducaale.
Maamulaha Guud waxa uu sidoo kale carrabaabay in adeegyada casriga ah ee shirkadda Dahabshiil ay ka mid yihiin Isgaadhsiinta Internetka iyo telifoonnada, wargelinta degdegga ah ee macaamiisha (SMS), Kaadhadka Dahab-Card, E-Banking, E-Cash iyo adeegga telifoonnada ee Xawaaladda degdegga ah oo la hirgelin doono. Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi, โDahabshiil waxay adeegyadeeda gaadhsiisaa degaannada ugu fogfog eeย ย ย baadiyaha, xoolo-dhaqatada, iyo beerleyda miyiga oo si sahal ah oo dhakhso badan u hela xawaaladda, maalgelinta iyo adeegyada heyโadaha, iyo xeryaha qaxootiga iyo barkacayaasha,โ isaga oo intaasย ย raaciyay, โWaxa kale oo ay dhiirrigelisaa maalgelinta hoose ee dadka danleyda ah (micro-economy) ha noqoto dhinaca beeraleyda iyo meheradaha yaryar, xirfadaha dumarka, ardayda, waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegyada kale ee bulshada.โ
Cabdirashiid waxa uu tilmaamay sidoo kale inuu shirkaas ROME ka sheegay in Shirkadda Dahabshiil ay kaalin muhiim ah ka qaadato xidhiidhinta dadweynaha debadda iyo gudaha ee qaaraddaย Africa, isaga oo xusay in shirkaddiisu waayo-aragnnimo dheeraad ah u leedahay duruurfaha iyo la-shaqanta qurbajoogga oo ay muddo ka badan 40 sanno ay ku xidhnayd.
Iyada oo ay mararka qaarkood caalamku maqlaan warar Soomaalida ku saabsan oo aan wacnayn, sida dagaallo iyo macluul, Cabdirashiid Dahabshiil waxa uu niyad-samaan ka muujiyay kartida Soomaalida ee Horumarka. โMa aha in loo arko dadka Soomaaliyeed dad aan waxba qabsan karayn, oo adduunka dhibaataynaya, oo ku hawllan oo keliya dagaallo, budhcadbadeed, macaluul ama dad mar kasta ku tiirsan gurmad iyo taageero debadeed oo qudhaโ, ayuu yidhi Cabdirashiid Ducaale, isaga oo niyad-samidaas ku daray, โWaa dad haddii la gacan-qabto, isku filnaan kara oo samayn kara horumar iyo xaddaaradโ ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid.