Shil Gaadhi oo Sababay Dhimashada iyo Dhaawaca Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland

0

Laascaanood (SLpost)- Hal askari oo ka tirsan Ciidamada Qaranka ayaa ku dhintay, Sideed kalena way ku dhaawacmeen kadib markii gaadhi ciidanku leeyahay kula qalibmay meel 18 KM dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood.

Sida ay Masโ€™uuliyiinta Caafimaadku xaqiijiyeen, Siddeeda askari ee Shilkan Gaadhigi ku dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Cisbitaalka Magaalada Burco, iyadoo qaar ka mid ah uu dhaawacoodu halis yahay.

Alle ha u naxariistee Askariga ku geeriyooday shilkan waxa isla maantaba lagu aasay magaalada Laascaanood.

Gaadhigan qalibmay ayaa ahaa nooca xamuulka qaada.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net