Qarnigii sagaal iyo tobnaad badhtamihiisii markii faranjigu dhulka Soomaaliyeed qaybsanayey ayaa laba nin oo Ingiriis ah oo kala ahaa Richard Burton iyo J.H. Speke oo sahamiyeyaal ahaa, waxayย qaybsadeen sahan. Waxay ka wada tirsanaayeen ciidanka British India. Richard wuxu u baxay Harar,ย dhammeย Speke-na wuxuย u baqoolay Nugaal oo dahab loogu sheegay. October 1854 ayaa midba jaho u dhaqaaqay. Speke wuxu tegey tuulo dhulka Warsangeli ku taal oo la yidhaa Bunder Goray. Wuxu ka gudbey silsilad buuro ah, ka dib wuxu ku daadegey dhul bannaan oo qallalan oo an indhuhu kuu qabaneyn. Isaga oo weli ka fog u jeedadiisa ayuu dib u laabtay. Wuxu ka shakiyey gadhwadeenadiisa, waxase xannibey Dhulbahante dirirsan, waxanu gaadhey Bunder Goray 29 January 1855.
Speke wuxu ku sheegay safarkiisa 3da bilood ah faaโiido laawe, sida u qoray buugga โthe warrior mullahโ oo u qoray Ray Beachey kuna saabsan Maxamed Cabdalla Xasan. Dahabka laga hadlayna wuxu ku sheegay been. Horta haddii u helo-na, waan helay lagama eegayn. Suโaashu waxay tahay dahabka Nugaal ku jira siduu ku ogaadey faranjiga Cadan joogeyย illayn berigaa qalab cirka wax ka sawira farsamada aadamuhu may gaadhine. Waata la yidhi Soomaalidu waa โoral societyโย bulsho hadal, waa la yidhi baa layidhi, sidaa ayuu warku ku gaadhey caddiinka oo saldhig weyn ku lahaa Cadan.
Dooxada Nugaal ka waxay soo farcantaa galbeed, inkasta oo an galbeed laga odhan magacaa, iyada oo soo marta Aw Barre, Wajaale, Allaybaday, Wado Makaahiil, Faraweyne, Dabataxanโฆโฆโฆ..Oodweyneโฆโฆโฆ
Togdheerโฆโฆโฆ Nugaal.
Markay Togdheer bari u dhaafto ayayย noqotaa Nugaal, taas oo ah dalsan xooluhu ku naaxaan. Cabdi Qays ayaa yidhi, โgeeluba naq doogliyo nugaal wuu ku dararaa meel ay nabadi taalleeโ.
Haddii 1854 faranjigu dahab ka baadhay Nugaal, maanta wuxu yidhi โwaxan ka baadhayaa badrool Oodeyne โฆ. Caynaba โฆโฆ.ย Aniguna waxan leehay allaw badrool baadhis ka dhig hakase dhigin dahab qodasho.
Cali Nuux Ducaale
Tel 0634176986.ย