
Nin dalmar ah oo dhul badan maray ayaa dalkiisii ku noqday ka dib markii uu muddo dheer ka maqnaa. Magaaladii uu ku noolaa ayaa aad loogu soo dhoweeyay. Soo dhoweyntiina aad buu ugu riyaaqay. Waxaanuu bilaabay inuu dadkii magaalada uga sheekeeyoย wuxuu soo arkay iyo waayihii soo maray.
โNimaan dhul marini dhaayo laโ,โ ayuu sheekadiisii ku bilaabay Dalmar isagoo tookh ku jiro codkiisa, โlixda qaaradood ee aduunkaba waan isaga gooshay.: Afrika, Urub, Aasia, Ameerikada Waqooyi, Ameerikada Koonfureed, Ustreelia. Jabaan iyoย cadeed ka soo baxa ayaan ka wareegay; Hawaayi iyo halkay ka dhacdona waan tegay. Dad mooc walba waan soo arkay: madow, maariin, casaan, cawl, caddaan, gaagaab, dhaadheer, indhweyn, indhayar.โ โ Yuug iyo Yamanyuug ma maqasheen? Ayuu weydiiyay dhegaysteyaashii. Waxay ugu jawaabeen, โHaa. Waanu maqalay.โ โYuug iyo Yamaanuugna waan arkay,โย ayuu ku yidhi.
โI been to Antwap and Radhadham. I dok on Marsay and Mumbay; Shikagoย and Shanghai. I sail round the Kayb and kanada. Ibeen all obar the wald, yang man!โ Ayuu yidhi Dalmar inta uu is ilaaway oo af Ingriisi ku hadal. โWaa maxay waxaad af Ingriisiga ku sheegtay?โ Ayay dadkii dhegaysanayayย weydiiyeen. โIlayn nin badweyn ku raagaan ahay, raali ahaada waan yara muquurtee,โ ayuu yidhi.
โGoormay kuugu darayd socdaalada; sideese uga baxday?โ Ayaa nin weydiiyay. โAaaah!โ Ayuu isla markiiba yidhi, โMaalintaas ma maalin baa la mid ahayd. Maalintaas oo kale hore ย iima soo marin.โ Intuu in yar aamusay ayuu raaciyay, โWaxanu galay dhulka Yuugga iyo Yaamnuugga. Goor barqo ah ayaanu magaaladii u dhaadhacnay. Waxanu ku beeganay fagaari weyn oo tartan ciyaareed ka socdo. Fagaarihii ayaanu ku baydhnay. Markaanu dadkii dhexgalay ayaa la yidhi ka soo qaybgala tartanka. Waa la ordayaa; waa la boodayaa; waa legdamayaa; waa feedhtamyaa, waran baa la turayaa, dhaqgax culus baa la tuurayaa, culays baa la qaadayaa . Ha sheegin wax mesha ciyaar ka socota! Lama tirin karayn.โ
โMa ka qayb gashay tartankii?โ Ayaa la weydiiyay. โHorta markii hore waan yara hakaday; ilayn nin tartamo ciyaareed loo carbiyay maan ahayne. Ciyaaraha inaan guudkaas ka daawado mooyaane, hore uga ma qayb qaadan. Talaa igu cadaatay. Markaan se cabaar isla shawray,ย waan calool adaygay, oo waan ka qayb galay.โ
โKuwii ayaad qayb gashay?โ Ayaa la weydiiyay. โDee ilayn waan calool adaygee, mid aanan ka qayb gelini ma jirto,โ ayuu si dhakhso ah u yidhi โwaxan ka qayb galay orodkii, boodadii, legdintii, feedhkii, tuuryadii; iyo dhamaan kuwii kaleba.โ
โMaxaad guulo ka soo hoysay?โ Ayaa nin ku yidhi. โMid aanan guul ka soo hoynin ma jirin,โ ayuu ku jawaabay. โMa dhamaantoodba?โ Ayaa loo celiyay. โHaa, dhamaantoodba,โ ย ayuu si degdeg ah u yidhi,isaga oo aan dareensanayn inuu faanyo wuxu sheegayaana suurtogal ahayn ย โweliba mid walba waxan ku guulaystay boqolkiiba shan iyo todobaatan in ka badan!!!โ
Nin dadkii dhegaysanayay ahaa ayaa ku yidhi, โBal guulahaa mar labaad maad noogu celin si anana aanu uga mabsuudno?โ Wuxu ugu jaawbay, โLibin waqti iy waayo ka soo wareegay, laguma celin karo, ee sheekada ku raaxaysta!!!โ