Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradaΒ Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamud Axmed Barre (Garaad), ayaa maanta qoraal uuΒ soo saaray ku sheegay,inΒ Maalmaha Sabtida iyo AxaddaΒ eeΒ 19-Ka iyo 20-Ka bishan May ay shaqaaluhuΒ fasax ka noqon doonaan shaqooyinkooda xuska munaasibadda 18-Ka May awgeed.
Qoraalka wasiirka oo soo gaadhay SOMALILANDPOST waxa uu ku sheegay in sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha Rayidka ahΒ hadii mid ama dhowr fasax qaran isku beeg-maan ay shaqaaluhu xaq u leeyihiin inay maal-maha xigaΒ helaan fasaxoodii.
Wasiirka wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada, waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u diray munaasibadda 18-Ka May awgeed, shaqaala-weynaha Jamhuuriyada somaaliland, isagoo u rajeeyey inay sanadkan kiisa kale ku gaadhaan caafimaad iyo Barwaaqo.
Dhinaca kalena Gudoomiyaha hayβada Shaqaalaha Dawladda Mud. Nuux Sh. Muuse Ducaale,ayaa isna qoraalΒ uu soo saaray Waxa uu ku sheegay in shaqaalaha Dawladdu ay fasax ka yihiin shaqadaΒ maal-maha Sabtida iyo AxaddaΒ ee 19 Iyo 20 Bishan May,Iyada oo xuskaΒ 18/May uu ku began yahay maalin Jimcaha ah awgeed.
Gudoomiyaha Hayβada shaqaalaha Dawladdu waxa uu hanbalyo u diray munaasibadan awgeed dhammaan shaqaalaha dawlada iyo xaasaskooda.isaga oo u rajeeyey xuskan kiisa kaleku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo iyo caafimaad qab.
SLpost News/Hargeysa