Addis Ababa (SLpost)- Ku-xigeenka Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia, Dr Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa soo bandhigay faa’idooyinka dhaqaale iyo dublomaasiyeed ee ku jira heshiiska is-afgarad ee dhexmaray xukuumadaha Addis Ababa iyo Hargeysa.
Dr Barkhad Kaariye oo u warramay Wargeyska The Ethiopian Herald oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa, waxa uu sheegay in heshiiskani qayb laxaad leh ka qaadanayo koboca dhaqaalaha iyo xoojinta Amniga Gobolka Geeska Afrika.
“Shacabkayagu waxay mudan yihiin in lagu abaalmariyo horumarka ay 30-kii sanno ee u dambeeyey ka gaadheen Nabadgelyada, Dimuqraadiyadda iyo Xasilloonida.”
โKuwa ka soo horjeeda heshiiskan is-afgarad, waxay rabaan Somaliland oo Aqoonsi laโaan iyo Dib-u-dhac ku sii jirta iyo Itoobiya oo ku sii jirta Bad Laโaan iyo xasilooni-darro,โ- Sidaa waxa yidhi Ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee Ethiopia Ambassador Barkhad Maxamuud Kaariye oo u warramay Wargeyska The Ethiopian Herald oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa.