Sarkaal ka tirsan Nabadsugidda Somalia oo lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho(SLPOST) Kooxo hubeysan ayaa xalay magaalada Muqdisho ku toogtay Sarkaal ka tirsan Hay’adda nabadsugidda ee Dowladda Federaalka, iyada oo ay dhaawaceen mid kale.

Kaaraan-400x300

 Sarkaal lagu magacaabo Axmed Sheikh Cabdulle oo ka hawlgalayay madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa kooxo ku hubeysan baastoolado ku dileen degmada Kaaraan, Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Gudoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xassan Yalaxoow.

Wuxuu ku eedeeyay Ururka al-Shabaab in ay ka dambeeyeen dilka, isagoo sheegay in ay falkaas u qab qabteen dad dhowr ah oo baadhaano lagu sameynaayo.

Tan iyo markii magaalada Muqdisho laga saaray Ururka al-Shabaab, waxaa soo batay falalka dilalka qorsheysan oo lala beegsanaayo saraakiisha laamaha amaanka iyo masuuliyinta Dowladda.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland