Caynabo(SLpost)-Habeen hore dil ka dhacay deegaanka degmada Oog ayay ciidammaddaย booliska, millatariga iyo maamulkaย degmadda ย iyo gobolkuba ka hawl galeen iyagoo kaashanaya bulshada deegaanka degmada Oog.
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Saraar Gaashaanle dhexe Axmed Maxamed Guutaale,ayaa sheegay in dilkuย ka dhacay goob miyi ah oo aroos laga soo dareeray isla markaana ay dhalinyarro aad u badan oo hubaysani ka qeyb galeen.
Taliye Guutaalle waxa uu ย intaa ku daray in dilku markii uu dhacay ay ka wada hawl galeen ciidamada Booliska,Millatariga iyo Maamulka Gobolka Saraarย ee heer gobolย iyo Degmoย iyo Guud ahaan bulshada deegaanka oo qeyb weyn ka qaadatay in mushkiladda dilkaasi aanay sababin in ay dhibaato kale dhacdo.
โAlle ha u naxariistee waxaa habeen hore ku geeriyooday rasaas ku dhacday Marxuumย Axmed Xasan Durraan waxaana ku dhaawacmay laba hablood. dhimashada iyo dhaawacaba waxaa sababay xilli dambeย ooย habeenimo ah ayay ahayd ย waxaana laga dareeray aroos waana deegaanka degmadda Oog markaa dhalinyarro badan oo hubaysan ayaa meesha maraysay waanay is wada eryadeen markii arooska laga dareeray, markaa rasaas badan ayaa laย riday laakiin dhanka Marxuumku ka dhintay ย ย cid ayay tuhmeen oo ay dilkaa u aaneeyeen , nasiib wanaag beeshiiย la aaneeyayna daw bixiye in ay yihiin ayay noo caddeeyeen.โ Ayuu yidhi Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saraarย Gaashaanle dhexe Axmed Maxamed Guutaale oo u warramayay wargeyskaย Dawan.
Taliyuhu isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay . โDhinicii la tuhunsanaaย dad ayay soo qabteen oo ay ciidanka u keeneen oo xidhan, ย baadhistiina way noo socotaa,waxaana ย guul ah in labada dhinac ee dilka isu sheeganayaa in ay yihiin laba reer oo dan iyo daris wanaag ku wada noolaa boqolaal sannadood oo aanay waligood dhibaato kala gaadhin. Ciidankuna baadhistii ayay ku gudo jiraan illaa baadhistu soo dhammaatanaย ka hor dhici maayo,โayuu tidhi Taliye Guutaalle