Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan dhammaantiinย Allaha awoodda lehย idiinka bar yayaa , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana, cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda iyo dulmigana ka fogaada.
Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,Ilaahay naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiye,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla,magaciisuna sharaf ,qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo mandaqadda G eeska Afrika iyo dhammaan caalamkaba. Marxuum Cigaal (AHUN),wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreey ey ee Somaliland,ee gacantiisa ku soo sexeexay xoriyaddii aynu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska,26 June 1960 kii.
1993 kii ,ayaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahimย Cigaal , mar labaad Madaxweyne ka noqday Somaliland, waqtigaas ooย Dalka iyo dadkuba ay ku sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatana ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed , amnni darro , kala danbayn la’aan ,geyigana dhammantii ay ka muuqato bur burkii , xasuuqii iyo dakharadii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba qaadkoodiiba inoo geysteen. Marxuum Cig aal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato, oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gac anta hoos dhigan, ayuu ku guuleystay inuu shacabkii boggooda burcad isku mariyo,walaaleeyo ,hannaan dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo ,seeskana u qotamiyo. Maanta oo bishu tahay 3 May, 2013, a hna sannad guuradii 11-aad, ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Q aran , Library & Museum na loo dhiso……..Geesi innaga baxoo , Guul dhashuu ahaa iga dheh.
Inkastoo aan qalin,buug iyo website lagu qoro toona , aan lagu soo koobi karin taariikhdiisa, waxtarkiisii iyo wax qabadkiisii , bal aan dhowr shay ka tilmaammo:
โข Sameyntii Dastuurka Somaliland
โข Sameyntii Calanka
โข Sameyntii ciidanka Qaranka
โข Hub ka dhigistii Beelaha
โข Nabadayntii Beelaha
โข Dib u dhiskii Dalka
โข Sameyntii lacagta Somaliland
โข Sameyntii Baasboorka Somaliland
โข Sameyntii hannaanka Dawladnimo
โข iyo kuwo kale oo badan
3 May,2002, oo ahayd maalintii marxuum Cigaal ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Pretoriya ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay dh ammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Walaw ay adag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu noqday ama uu ahaaย dareenka Somalilandersku meel ay maalintaas joogeenbba , bal waxaan isku da yi doon aa inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiqa ah, oo uu maalintaa tiriyeyย Cali Adan Cawaale , waxaanu yidhi :
Waxaan soo jeedinayaa , in marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,la gu maamuuso, lagu qadariyo , laguna sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa faraha badan ee uu inooga tagay ,ย ahna taย maanta Somaliland heerkaa ku soo gaadhay , kuna naaloonayso . Maanta oo bishu tahay 3 May,2013, ahna sannad guuradii 11-aad , ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Qaran , Library & Museum na loo dhiso.
Qalinkii Maxamed Cali Muuse