ย Ceel Afweyn (SLpost)- Inta la xaqiijiyey Saddex Qof ayaa ku Geeriyooday degaanka Laas-dumeera oo hoos-taga degmada Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland.
Dadkan oo dhammaantood ahaa Dad Waayeel ah ayaa la xaqiijiyey inay u Geeriyoodeen Harraad iyo Gaajo ka dhalatay Xaalad adag oo ka taagan deegaannadaasi.
Deegaamo badan oo ka tirsan gobollada Dalka, waxa ka jirta xaalad biyo-la’aaneed oo laga deyriyey, iyadoo xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa hay’adaha gargaarku hawl-gallo biyo-dhaamis ah ka bilowday deegaanno ka tirsan gobollada Togdheer, Saraar, Saaxil iyo Sool.