Maansadan waxaa curiyay suxufiga halabuurka ah ee Sacad X. Maxamuud Gadhle magaceedana waxaa la yidhaa (saldhigii aqoonta) waa maanso aan u arko inay xambaarsantahay waano iyo tilmaamo si qotodheer u iftiiminaya waajibaadka (wariyaha ama suxufiga) maansadan mar kale waxaan u arkaa in murtida maansadani xambaarsantahay duruus ama casharo looga baahanyahay inuu suxufigu barto hadii aan faah_faahiyo waxay baydadka hore aan ku xusayaaย sil_siladii caanka ahayd ee (siinlay)ย silsiladaas oo curatay sanadkii dhalashadayda saamayn balaadhana ku yeelatay guud ahaan bulshada afka soomaaliga ku hadasha meelkast oo ay joogaan mar labaad midhaha maansadani waxay daaha ka qaadayaan asluubta iyo anshaxa wanaagsan ee uu leeyahay (wariyaha ama suxufigu) mar sadexaad maansadani waxay si mug leh oo miisaaman u iftiiminaysaa 90 qodob oo wariyaha ay lagama maarmaan tahay in uuย ku dhaqmo waxaan aaminsanahay in 90 kaa qodob ay saldhig u noqon doonaan xeerka saxaafada ugu dambayn waxaan u arkaa in ay maansadani ka turjumayso wacyiga wakhtigan ay ku sugantahay saxaafadu waxaanay ila noqotay inaan soo bandhigo maansadan saldhigii aqoonta .ayaad moodaa inay si gaara ula hadlayso qolada warbaahinta barta internetka wararka kala duwan ku soo bandhigta.

Gaariyoow suugaantii
Todobaatan iyo sadexdii
Siinlay la odhan jiray
Sumaladii dhawaaqee
Weedhaheeda soo simay
Maan galin safkoodii
Sabi baan ahaayoo
Sanqadhii baxaysiyo
Waayaha lamaan socon
Saakana xus wayniyo
Sanad guuro wacanbaan
Uga dhigay silsiladaas
Subcintayda maansadu
Waano weeyi soocoo
Wariyahay ku socotaa
Saxaafada dhamaanteed
Salaanbaan u dirayaa
Marka xiga siciidow
Cadaaladu siday tahay
Lama kala sareeyee
Suuradiisa aadmiga
Sadarada aqoontaa
Lagu kala suntaayoo
Lagu kala sifeeyaa
Ma ogtahay siciidow
Saxaafadi inay tahay
Saldhigii aqoontoo
Qalinkuna sir leeyahay
Ma ogtahay siciidow
Suxufigii hanoonsani
Sooma jeeste weeyoo
Socodkana ma daaloo
Sahanbuu galaayuu
Warar sugan ku keenaa
Saadaasha gaarka ah
Suuraynta faalada
Sobobaynta kama tago
Ma ogtahay siciidow
Suxufigii hanoonsani
Sabaduu ku noolyahay
Saamayn ku leeyahay
Samirkana ku caan yahay
Sahaydiisu gaar tahay
Bulsho waynta sixi karo
Cadaaladiyo sinaantiyo
Samahana ka talin karo
Nabadana ku sugi karo
Ma ogtahay siciidoow
Runtu inay sad wayn tahay
Saxansaxo udgoon tahay
Warka subag u yeeshoo
Sixin iyo baruur tahay
Suuq_gayna noqotoo
Sumcadeedu badantahay
Beentuna siniintoo
Siifadeedu kulushahay
Suyuc iyo wax baas tahay
Siigada ka darantahay
Ma ogtahay siciidoow
In sagaashan qodoboo
Warbaahinta u seesoo
Salka loo goglaa jiro
Saajinkii qoraalkow
Yuu kula sabaynine
Suryo weeyi adagee
Surinkaasi haba galin
Suubanaanta dhaqankana
Soohdintooda dhawroo
Sodohaha ha faalayn
In kastoon sabool nahay
Waajibaa ku saarane
Ha ka raadin sooryoo
Sii jeedka ha ku qorin
Ha ka suulin garashada
Dulmigana ha saacidin
ย Ha sahadin balaayoo
Ha ka sasin dadwaynaha
Ha ku galin dir sooc iyo
Safashada qabiilkiyo
Sunta qaranka dumisiyo
Silbashada habawgiyo
Ka ilaali siliitada
Saxaafadu xor weeyoo
Ma taqaan safaadkee
Dulmigood salaaxdiyo
Sinji lagu amaaniyo
Suubintaa u daranoo
Si kalay ku noqotaa
Wariyuhu silooniyo
Sahwi buu ka qaadaa
Colaadaha sokeeyaha
ย Ha u qaadan soofoo
Ha ku saydhin wararoo
Boogaha ha sii sarin
Salaadiinta talisana
Dhaqankay sidaanoo
Xurma aada siiyee
Ka ilaali saxarkoo
Sad bursiiyo kula dhaqan
Mar_mar bay siqaanoo
Soone kale galaanoo
Hadal aan saluugiyo
Ku arkaa sitaadkee
Sibiq wixii ku dhaafana
Sajilaadaย ha ku darin
Saraakiisha qarankana
Ha u soohan xadhigoo
Ha ku jiidin seetada
Maamulkaa ku siriree
Madaxdana ha seelayn
Saacadaha qodaalkana
Ha la seexan garashada
Siidhiga afuufoo
Wacyi galinta sii daa
Sixirbararka faalee
Ka warayso sariflaha
Siyaasada warkeeduna
Saaxad weeyi daranoo
Saxmad iyo wareer lee
Balamihii siyaasigu
Salaankani ku soo koray
Su,aalaha ka waydii
Sabaaluhu ma fiicnee
Sacabada ha hoos dhigan
Sarbi lagu uleeyiyo
Seef laga cabsoodaba
Saxaafadaa ka dhiganee
Haka baqo siyaasigu
Sharciguna siduu yahay
Ha,u qaadan salaboo
Ha sadqaynin waligaa
Sartu halkay ka qudhuntiyo
Musuqana ha saamixin
Xididada u saaroo
Ha la seegin goobaha
Dhaliiluhu sinmeenoo
Subaxdii timaadaba
Sanqashada masuulada
Sanco weeyi cusubee
Suqduudkuu maraayiyo
Saadkuu ishaaree
Ku sar qalinka waligaa
Saqajaanka ha u tudhin
Safiirada cadaankee
Samafalka ku magac dheer
Deeqbay sidaanoo
Dadwaynaha silcaayay
Sawirada ka qaataan
Sanduuqoogan buuxee
Suul dhabaale madhan iyo
Siminaaro lagu cuno
Soodhka soo faqaayee
Sandulaha waxqabadka ah
Sanka kaga tolaayaa
Horta suxufi waa adi
Ha sagsaagin weedhaha
Ku sargoo halhaysyada
Barnaamijkaad samaysaa
Suuradaha quraankiyo
Sunahana ha waafaqo
Culumada sexeexee
Dunidaba ha saahiday
Waliyada siraatiyo
Caalimkuna ha kaa saxo
Saban baa la jogaa
Wadaada la saaqoo
Sahaydii qurbaawiga
Suuqwayn la geeyoo
Sadaqada la daawado
Shaashadaha la soo safay
Sakhiraada waiyaha
Siiqadiisa xeel dheer
Waa dilaal sareexoo
Saylad xoogan joogee
Saliilyaan ka qaadee
Sasabaada ha ka dhimo
Saamigii wadaadkuna
Duco ha ku sabootiyo
Sacad X.Maxamuud Gadhle (Qodaal-joog)
Gabiley, Somaliland
Tell:4669910