Xadhiga caruurta aan qaangadhin, garaaca/jidhdilka, iyo xabiska dadka bilaa danbiga ahi waxay ka midย tahay dhibta balaadhan ee uu caadaystay taliska saldhigga QUDHACDHEER. Waxaad ku arkaysaa inamo/hablo yaryar oo ku xidhan xabsigan, xadhiga waxaa u dheer garaac/jidhdil loo gaysto carruurtaasi, waxaaย kaloo jira kuwo iyaguna markaasuun madaxa la galay inay xilo saamad noqdaan oo iyagoo wax danbi ahย oo ay gaysteen ayna jirin la iska soo xidhxidho, iyagoo waliba sidii argagixisada guryahooda saqbadhkaย laga soo qabqabto oo waliba dadka maatida ah xoog loo adeegsado.
Carruurtii ciyaala xaafadka saldhiga ahayd waxay u qaybsameen wax MADHEERA loo dhaadhiciyey,ย kuwo hadda saldhiga ku jira TODOBAADYO iyo kuwo baxsad ah oo aan xitaa guryahooda u soo hoyan,ย iska daa inay si xor ah u ciyaaraan, oo ay hawaystaan mihnadda ay DHIGGOODA wadamada kale kuย helaan MALAAYIINKA Dollar, waliba ay xaqa u lahaayeen ee garoonada loo sameeyey waqtiyada ayย fasaxa ka yihiin waxbrashadii iyo hawlahoodii kaleba, qaar ka mid ah carruurta xaafaddaas saldhiguย yahay oo aan arimahan wax ka waydiiyey ayaa ii xaqiijiyey in haddiiba la arko koox kubbad meelย ku ciyaaraysa oo magac sheeganaysa in XABSIGA la dhigayo. Dadka waawayn ee xaafadda ayaanย iyagana arintan wax ka waydiiyey ayaa ii sheegay in Taliyaha saldhiggu carruurta/dadka sababtuu uย xidhxidhayaa ay tahay aano hore oo uu ka tirsanayo dadka deegaan ahaan ka soo jeeda xaafaddan ooย dagaalkii sokeeye ee 1994-kii lagu dilay walaalkii iyo niman ay qaraaabo yihiin airport-ka dushiisa, dadkaย deegaanku waxaa kale oo ay intaa ku dareen in ninkii dhawaan lagu dilay wajaale arintan aargoosiga ahย loo dilay oo uu falkaa fuliyey nin ay isku dhow yihiin qabiil ahaan, oo arintani aargoosiga ah ay ka simanย yihiin oo ay kula socdaan reerkiisu. Arimahaas iyo kuwo kale oo badani waa wararka aad ka helaysoย soonaha uu saldhiggu maamulo taas oo keeni karta in dib loo soo xasuusto dagaalkii sokeeye e 1994-kiiย kaas oo dhibaato baaxad leh dalka u gaystay.
Si aan u hubiyo xaqiiqada wararkani oo aan arintani wax ka waydiiyey Axmed Dacawo ilmo yar oo ka mid
ah kuwan xidhan oo aan u imi ayaa waxaa uu taliye A.Dacawo iigu jawaabay hadalo aanan ka filayn oo
aflagaado iyo cay isugu jira.
Maaha markii ugu horaysay ee uu Taliye Axmed Dacawo ku kaco arin noocan oo kale ah, ee mar uuย taliye ka ahaa Saldhigga wajaale wuxuu bastoolad ku qabtay Guddoomiyaha UCID faysal cali waraabe,ย waxaa kale oo uu kamaradii uu ka jajabiyey wariye la socday guddoomiyaha oo markaasi booqasho kuย yimid Wajaale. Isku soo wada duuboo waxyaabaha uu ku kacayo taliye AXMED DACAWO waxay shakiย galiyeen dadwayaha M. Haybe oo ay aaminsanyihiin in laga maamulo meel ka saraysa taliska bilayskaย JSL taas oo ku dhiiri galisa ama u fududaysa oo ku taageerta falalkan anshaxa iyo akhlaaqda Boliska kaย baxsan ee uu ku kacayo Taliye Axmed Dacawo.
Waxaan ku talinayaa in Taliyaha ciidanka Police-ka JSL CABDILLAHI FADAL IIMAAN uu arintan si dagdagย ah wax uga qabto oo Axmed Dacawo laga saaro list-ka ciidanka Police-ka JSL oo waliba ciqaab laย xidhiidha danbigiisa la mariyaa.
Abdillahi Adam
Hargiesa Somaliland.