Waxay ahayd barqo dheer ilaa 10.30 subaxnimo, goor qoraxdu badhtanka ku dhawdahay , waxaanu go,aan ku gaadhnay , aniga saxiibkay Axmed Godaadย (Indho)ย ย , in aanu gaadhno Meesha Biyo-Kululeย oo ku dhextaalย ย biyaha ama dooxaย ย Biyo Guure oo qiyaastii 19 km dhinaca Bari kaga beegan magaalo madaxda G/Saaxil ee Berbera.ย , waxaanu aanu saacad badhkeed uunka dib soo gaadhnay Dooxyo farabadan oo gaadhigu ka dhex gudbaayo ,oo ahayd qiyaastiiย ย 11.00 duhurnimo intii aanan goobta soo galin waxay markiiba ishaydu qabteysida hareeraha meesha dadka tuulan iyo xayawaano duur-jooga..
ย ย Biyokulule Waa meel ilaahay ku manaystay biyo durdura oo iska burqanaaya, isla-markaana kulul hadh iyo habeen, waa goobย ย buuro ku dhex jirta,islaโmarkaanaย ย jawigeeda ayaa ah mid aadย ย kuu soo jiidanaaya.,intaa ka sokow waxaad ku arkaysaa markaad ku dhowdahay iyo nawaaxiga ku dhowbaย ย xayawaanada duur joogta ah siiba: goroyo cawsha , garanuugta , deerada, , iyo daanyeeradaย ย oo aad ugu badan iwm.
ย ย Waxaa goobta dhoobanย ย dadweyne farabadan ooย ย kala yimi meelo kala duwan S/Land u badantahay , ujeedadooda ugu weynina ay tahay , inay ka raadinayaan caafimaad. Waxaad ku arkaysaa dad u badan wayeela oo faalig haleelay ,kuwa qabow ku jiro , gastric qaar qaba , dumar jin ku jiro iyo dad kale oo waxyaalo kale oo ka duwan ka cabanaaya.
ย ย Arimahaย ย ugu yaabka badan ee aad ku arkayso goobta biyo kulule waxa ka mid ah: dhagxan dhexda ka daloosha oo biyo ka soo burqanayaan iyo dhagax kaleย ย biyo iyagana ka daโayaan, waxaan tegay dhagax uu isaga kululeylka ka bilaabno oo dhinaca midigta ku yaaal iyo inta ka danbeysa oo bidixda ah oo kuleylka markaad dhinaca bidixda ugu socotoba aad ugu sii gelayso mid saa,ida ., meelaha qaar ayaa waxaad suurta-galaย ย in shaaha si caadiga kuleylkooda looguba karsankaro.
ย ย ย Waxaad arkaysaa doox biyood yar oo kulul oo aanad meelaha qaarkood gacanta ku hayn karin taas oo dadka booqanaya goobtani ay sababo caafimaad darteed u yimadeen amaba culimo dhinaca caafimaad kula taliyeen inay mudo ku sugnadaan, si waxyaalaha dhibaatooyinka curuuqaha ,jidhxanuunka ku saabsan iyo weliba cabashada xaga xididada iyo lafaha ah ee dadku ay ugu soo furfurmaan.
ย ย Hadaba ujeedada aan u soo qaatay warbixintan igu kaliftay waxa weeye goobtan oo ah mid xaga deegaanka ama dalxiiska qiimo farabadan ugu fadhida S/land isla mar-ahaantaana, waqti kastaย ย ay ku soo badanayaan dadweynahaย ย caafimaad ahaan u imanaya.
Hadaba waxaan aqoonsanay ย in dadku ay ku yihiin degaanka markasta cadaw, sababo badan dartood, sida haddii aan loo qaabayn habka ay ugu noolaanayaan goobahani taariikhda leh , sida dadka doonaya inay hoydaan goobtani biyo-kulule , ayaa waxaa dhacday inay googooyaan dhirta oo ay ka samaystaan hoy ama gabood ,ย ย iyagoo waxoogaagii dhirta ahaa ee meesha ku yaalayna la dabar-gooyey.
Goob ka midaย ย degaanka oo dhirtii si arxan daro loo gubay
Arinta kale eeย ย wax laga naxo ah , waxaa ka midda halka dadku ay deganyihiin , goob dhinaca biddixda kaga dhegan oo hoyga iyo parking ku beegan ayaa dhirtii ku taalay gebehaanba dab la sudhay oo ay wada bas-beeshay, isla markaana xayndaab ooda lagu xidhayย ย , sida ay ii sheegeen dadka degaanka waxaa falkaasi geystay xildhibaanada degaanka Berbera ee cusub mid ka mida oo aan la garanayn sababta uu falkaasi ugu geystay degaankaasi qiimaha leh, isla-markaana ย ay dadku u baahanyihiin in loo dhowro, ama halka dadka loogu talo galay inay saldhig u noqoto.
Dhinaca Nadaafada
Dadka meesha ku sugan ma lahaย ย meel ay qashinka ku basriyaan,ย Nadaafada meeshuna aad ayey uย ย liidataa ,waayo, Dadweynaha meesha isugu imanaya malaha qaabkii ay u dhawri lahayeen nadaafada , hadaad buuraha dushooda u baxdo , waxaad arkaysaa qashinkii dadka oo meel walba yaal. taasina waxaa lagaga hortagi karaa iyadoo loo sameeyo meelihii loogu talo galay siiba suuliyo, si dadka halkaa degaya, ay u suurta-gasho inay helaan waxyaalaha muhiimka ,uguna horeyso musqulo ay isticmalaan
Goobaha Xagga Ganacsiga
Waxaad ka arkaysaa in aanay jirin dadku meel ay ka helaan cuntooyinka iyo sharaabka ay baahanyihiin, ama meel ay wax ka cunaan toona, mar aan weydiiyey dadka degaanka ,sababta looga furaayo goob ganacsi goobtani si dadka booqnayaa ay u helaan cuntooyinka muhiimka u baahnayihiin, waxa lay sheegay , siiba gabadh ku sugnayd goobta oo damacday inay ka furto goob ganacsi , isla markaa loo diiday , laguna wergeliyey in hebel loo weydiinayo inay ka furato goobtaasi ganacsiga ay u baahantahay iyo dadkale ooย ย is yidhi meesha ganacsi ka furtaba sababo aan weli la aqoonsan,laysu hortaagay., marka laga reebo maqaaxi yaryar oo dadka degaanku halkaasi ka sameyeen.
Meelahaย ย ay dadku galaan,
Dadka meesha jooga jiifkooda ama sida ay deganyihiin , maaha mid kala durugsan ,wxaanay u yaaliin sidii caayalado wada socday oo kale weeyeย ย isla markaana waxay u daadsan yihiin sidii dad qaxoontiya oo kale, xaga nabadgelyada wax cabsiya oo ay qabaana ayaan jirin haba-yaratee.
Goobta Biyaha Kulul leh
Marka aad ka gududto halka parking ee wajahada ay dadku deganyihiin , waxaad kor u koreysaa wado yar oo salaana oo dadku sidii ay mareyeen , iska noqotay wadiiqadii meesha loo mari-lahaa , Biyaha dadka loogu talo galay inay galaan waa horfod yar oo biyahoodu qulqulayaan taas oo aan si fiican loo habeyn ama loo sii qodin si ay isticmalaan , Qaybta Raga dad kooban oo aan ka badnayn ilaa 8Qof ayey qaadaysaa lakiin haddii la helo cid ka shaqaysa tiradaasu way ka badnaan kartaa , ย qaybta dumarkana bidix ayay ka xigtaa qaybta raga ,waxaa ku xidhan cawda la gogladu , si aan loo arag dumarka isticmaalaya oo ah awooda dadka degaanka ah,una dhexeysa barta kala qayabisa labada qaybood..
Kulankii Chief Caaqilย ย Md, Ismaciil Xirsi Jaamac Iyo dadweyne kale.
Intii aanu safarkayaga ku jirnay waxaan kula kulmay Degaanka Biyo-kulule oo ku dhexyaal dooxaasi Biyo-guure , Chief Caaqilkaย ย Degaanka Md, Ismaciil Xirsi Jaamac oo uu garab fadhiyey Gurey Cali Haysteย ย isaguย ย booqday degaankaasi ,isla markaana caafimaad ahaan u joogay biyahaasi Biyo kulule, iyo dadkale oo aan iyagana la kulmay waxaana ka mid ahaa Ganacsade ,Gurey Cali hayste oo ay walaalo yihiin badhasaabkii hore G/saaxil oo ku sugnaa goobtaasi aadna aan ugala sheekaystay goobtani, isagoo ii sheegay in uu muddo badan joogay caafimaad badan aan ka helay ayuu yidhi intii aan ku sugnaa , saxaafaduna dhowr jeer ayey igu timi iguna wareystay ,waxuu ii sheegay inuu salamaayo cidkasta oo garanaysa ayuu yidhi.
Waxaan kula kala kulmay iyagana dad wayeela oo xanuuna kal nooca ka cabanayey oo ka yimi degaano kala duwan oo qaarkood ay aad u fogyihiin , isla markaana qaar ka midi caafimaad ka helay siiba hooyo uu inankeedu waday, waxaa iyaguna ku sugnaaย ย 2Qof oo turki ah oo hawlo shaqo dhinaca kallluunka u jooga Berbera ,isla markaana booqday xarunta Biyo kulule oo qabow ay ka cabanayeen ku jira , faa,ido badan ay ka heleen .
Gebagebadii ujeedada aan u soo qaatay maqaalkan ama ย igu kaliftay waxa weeye goobtan oo ah mid xaga deegaanka qiimo weyn ugu fadhida dalkeena, isla markaana maalinba maalinta ka danbaysa ay ku soo badanayaan dadka caafimaad ahaan u imanaya, ayaa hadana waxaan baaq arintan ku waajahan u dirayaa Xukuumada JSL siiba Wasaaradaha Deegaanka ,Caafimaadka iyo Dalxiiskaba
Waxaan leeyahay halkaasi waxaa jirtaย ย dayacย ย baahsan, ha kala mudnaadeene ย , waxaana suurta-gala iyadana in dawlada ay ka soo gali karaan dakhli aad u badan oo dhinaca dalxiiska iyo dadka degaanka oo iyaga laftooda faaido badan ka soo geli karto , dadka booqanaya halkaa oo ah dad tiro ahaan farabadan , qaar badan ugu soo galaan inay bilo iyo wiigag ku sugnadaan , lakiin sahayda ayeyย ย Berbera iyo meelaha ugu dhow ka raadsadaan, madaama ay muddo ku talo-jiraan inay goobtaa ku suganadaan,isla-markaana ay ka yartahay.
Dowlada dhexe waa inay isla kaashadaan dadka degaanka , waxaanan leeyahay meeshaa aad halooga shaqeeyo. Waayo hadaan nadaafada biyaha la dhawrin, waxaa ka dhalan kara cuduro badan siiba kuwa faafa sidaย ย sida Choleraha iwm, isla-markaana waa inay arintan hoos u eegaan una qorsheeyaan sidii dadkani si nadiif ah ooย dhib laโaan ah ugu noolaan lahaayen isla markaana looga badbaadin lahaa deegaankan ay bahdileen.
Waxa kaloo iyadana xussus gaara mudan , in ay dadweynahaย ย halkaasi tegayaaย ย inay ka takhalusaana ama fogadaan,ย ย wixii dhinaca khuraafaadka ku saabsanย ย ee ay goobtaasi ka aaminsanyihiin., niyadana u sheegaan in Biyahunu yihiinย ย mucjiso Ilaahay, waxna aanay daweyn-karin , Allah weyn oo isagu qadara mooyaane.
ย Wixii aan saxay Ilaahay baa mahadeeda iska leh , waxii aan Khalday am aan ka tegay shaydaan baa iska leh. Waa bilaahi Towfiiq .
ย
Adan Yusuf Elmi
Berbera/ S/land