Maansadani wuxuunbay sheegaysa xaqeeda, balse ku odhan mayso ku dhiiro inaad guddo.
Mana gudan xilkaagii
Mana gabin xaqaaqii
Xasuustana ma moogiye
Xujadaada weyn baan
Xag aan kaga hagaagiyo
Xeeligeedii laโyahay!
Saddex-goor-xaq-mudaneey
Xinjirtayda dhiiggaay
Xaramkii labaadeey
Xaaska haybaddiisaay
Xag alliyo dhankaagay
Qudhu igaga xidhan tee
Laโaantaa xayaatada
Xabaal baan ka gali laa.
Xadhkihii sammaantiyo
Heeryadii xaqiiqada
Xajisee adkaysaay
Qof xannaanadaadiyo
Xiisahaaga waayaa
Xagal-daac ka bixi waa
Xiskiisuna ma buuxsamo.
Xayn-daabka guushaay
Xaruntii aqoontaay
Hal-abuur xuruuftiyo
Xarakeeyo maansada
Adigaa xanjaadkiyo
Hooyo xaynka ku af bara
Deeqsi xoolo badanoo
Xaasidnimo ka saahiday
Adaa xeerka soo bara
Hablo xuural-cayni
Xariir guudka loo dabay
Xulantida la tiigsado
Adaa xoor ku soo horay
Usii xaadhay daw siman
Misna faray xuduudiyo
Inta laga xishoodiyo
Inta aan xajiin iyo
Xumo lagu ogaynee
Garashadu u xilatee
Xusul-duubka raadcada
Xergi loogu baratamo.
Markuu xoolka jiifiyo
Markuu xoogga leeyahay
Xildhibaanka uunkani
Laโaantaa xal-keenaa
Xero oodi kari waa.
Xarumaha caloosheed
Hooyo igu xamaashiyo
Xanaf iyo kulayl iyo
Xanuun fooshu leediyo
Qaydkiyo xansheerkaad
Wallee igu xambaartiyo
Xaqii naaska maba gudo.
Xiskaygaad ku milantoo
Xididada hal-bawlaha
Xinjiraha u qaadiyo
Xubnahayga oo dhami
Xaqa aad ka mudantay
Ku xadraynayaanoo
Inta xay aad tahaybaan
Xurmayntaada qaanta ah
Xirib qudha qiyaas leeg
Xilbax inaan ku soo gudo
ku xisaabtamaayoo
Haddaan xoog u leeyoon
Xayiraaya dhiilada
Xanuun iyo bukaan iyo
Xumad maabad aragteen
Anigaa xawilan laa
Dhibta kuu xamili laa.
Xushmayntaada ruux gabay
Xaq-dhawrkaaga baal maray
Ma xasilo adduunyada
Xawdkii Rasuulkiyo (CSW)
Janno waa ka xaaraan.
Qof xeerkaaga sheeg yidhi
Xuduudiisa gaadh yidhi
Ku xabeebay mooyee
Xusul qudha dhamayn waa
Anna xarafka maansada
Nabarada xanuunka leh
Ku xadhaadhi mooyiye
Xaashaโe ismaan odhan
Xaqa hooyo leedahay
Carab baa xaddidi kara
Xudduntaan ka beermaay
Xujadii adduunkaay
Xog ogaalka dhaqankaay
Xildhibaanka noloshaay
Inta xidid ku nool yahay
Xagtintiyo dhibaatada
Xayn daab biroo adag
Xijaab aan la mari karin
Kaaga xeeri Mawluhu
Rabbigay xabaashana
Xaraaraha fardawsaad
Xaadin kaaga qoondee
Anna xiise duuggiyo
Dareen xaaluf-diidiyo
Xadantiyo kal kuu xalan
Waa mid aan la xadi karin.
Xeedhada aduunkaa
Xawd igu sabaysoo
Xamashkiyo ugbaadkii
Cidhifyada ku xidhatee
Xajka kaama baajeen!!
Isha: Weedhsame.com