Caadi ahaan dadka waaweyn waxa ku yaalla 100,000 oo tin (Boqol kun). Qofku markuu gaadho daโda 40-jirka, waxa ka goโa 20 timood maalin kasta. Markuu gaadho daโda 50-jirka waxa ka goโa 120 timood labadii cishaba. Taasina waxay ku keentaa inay timo badani ka lumaan amma ka daataan.
Sababaha Keena Bidaarta
Sababaha keena Bidaartu way badan yihiin, balse waxaynu soo bandhigi doonaa kuwa ugu waaweyn:
- Hidde amma dhaxal ilaa toddoba fac gaadhaysa. ( Androgentic Alppecia)
- Dawo aan laguu qorin, oo aad isticmaasho
- Qaar ka mida ah dawooyinka Kansarka
- Macdanta (Iron) oo ka yaraata jidhka
- Kiniinta dhalmada ka hortaga( kala-koryiye) xaga dumarka
- Isku-buuqa (stress) iyo werwerka
- Borootiin laโaan xad-dhaat ah
- Cunto xumo qofka ku dhaca, taasoo keenta diciifnimo ku dhacda hormoonada timaha bixintooda caawiya
- Daryeel laโaan timaha ku timaada. Sida, maydhis laโaan, saliid laโaan iyo feedhis laโaan
- Nooc ka mid ah cambaarta timaha gasho
- Fiitamiin โCโ laโaan (lack of Vitamin C)
Xanuunada Sababa Bidaarta
- Dhiig-karka
- Gooryaanka nooc ka mid ah ( Ringworm)
- Qanjidhka luqunta ku yaal oo bukooda (Thyroid Gland)
- Xanuun ku dhaca jidhka oo sababa timo daadasho (Lupus). 50% ayuu sababaa inay timuhu daataan.
Ka Hortagida Bidaarta
- Daryeelida timaha : maydhis, saliidayn iyo feedhis joogto ah.
- Iska jir dawooyinka timaha madoobeeya, caseeya amma midab kale ka dhiga. Waxa ku jira maado sababta timo daadashada.
- Iska jir dawooinka amma kiriimada timaha adkeeya. Waxa ku badan maado la dagaalanta soo bixista timaha.
- Iska jir inaad cunto Beed aan bislaan
- Hoos u dhig haddii isku-buuq ku haysto (stress)
- Xiirashada joogtada ah, ayaa keenta inay timuhu yareeyaan soo bixista
ย Beerista Timaha
Unugyo timaha madaxa oo lagu koriyey shaybaadh ayaa la filayaa in xal loogu helo bidaarta, sida ay muujinnayaan jitaabooyin hordhac ah. ย Farsamadan waxaa loo adeegsanayaa waxyar oo ka mid ah unugyada timaha ee madaxa ku hadhay, ka dibna inta la koriyo ayaa dib loogu mudayaa madaxii Bidaartu haleeshay, halkaas oo timo cusub ku dhalanayaan.
Sidaas waxaa sheegay saynisyahanno ingiriis ah.. Waxay sheegeen in jitaabadii horeba, 19 qof oo lagu jitaabiyey farsamadan, 11 ka mid ah ay timo cusub u soo baxeen. ย Hase ahaatee, weli loo sii baahan yahay in jitaabo dheeraad ah la sii sameeyo, si qaab sugan oo kama dambeys ah loo gaadho. habkan timo cusub ugu soo baxayaan dadka bidaarta qaba.ย Sida la soo sheegayo, qaabkani wuxuu bidaarta kaga taqalusayaa bilo gudahood ah, madaxiina timo cusub ugu soo baxayaan.
Waa xeelad aqooneed oo bidaarta lagula tacaalayo, waxaana la sheegay in shan sano gudahood, ay noqon doonto mid baahsan oo loo adeegsan doono xallinta bidaarta. ย Shirkadda Cilmi baadhistan soo bandhigtay oo lagu magacaabo Intercytex ayaa wargeyska Kasmo, tirsigiisii 190, wuxuu hore uga qoray warbxintan:
Dalka ingiriiska oo laga Bilaabay Daweynta Bidaarta
Shirkad lagu magacaabo Intercytex, xarumona ku leh magaalooyinka Cambridge iyo Manchesterย ee dalka Britain ayaa horraantii bishan Oktoobar, dawladdu guddoonsiisay deeq lacageed oo dhan ยฃ1.85m.
Lacagtaas oo qayb ka ah dadaal lagu hormarinayo wax ka qabashada bidaarta haleeshayย ย ย ย ย ย malaayiin rag ah, iyo qaar ka mid ah haweenkaba.ย Shirkaddaas, Intercytex, waxay soo bandhigtay in ay si ashqaraar leh ugu guuleysatay timo u soo bixinta, 5 ka mid ah toddoba rag ah oo ay ku jitaabisay farsamo cusub oo timo loogu soo bixinayo rag madaxoodu hoolan yahay, bidaar darteed. Waxayna jitaabo hadda ku hayaan 20 nin oo kale. Wixii ka dambeeyana loo soo gudbi doonaa in ay si ganacsi ugu baahdo dalkan ingiriiska iyo dunida kaleba.
Qaabkan oo ah mid aan hore loo adeegsan, waxay sheegeen in bidaar oo dhan, tan ugu xun, lafteeda ay muddo seddex sano ah xal ugu helyaan.ย Saynisyahanada arrintan gacanta ku haya, waxay sheegeen inay adeegsanayaan qalab beera timaha, iyada oo marka hore, timo laga soo jarayo Qadaadka qofka bidaarka qaba, ka dibna โqalabkuโ baadhis iyo abuurid ku samaynayo.
Halkaas oo dib loogu beerayo madaxa bidaartu haleeshay, iyadoo irbad aad u dhuuban lagula mudayo maqaarka hoose ee halka bidaartu leeftay, qadar aan ka badnayn nusa saacna lagaga dhigayo madaxaas mid ay dib timo uga soo baxaan.ย Waxaa la filayaa in qaabkani horseed u noqdo in Aw-bidaareyaal badan oo madaxoodu hoolan yahay, sida kan warbixintan qoray, in ay wakhti aan fogayn madaxoodu dib timo u yeesho.
Fiitamiinada ka hortaga Bidaarta
Fiitamiin B, Fiitamiino isku jira (Multi-Vitamin), macdanaha, Iron, Calcuim, Zinc, whole Grain, Fiitamiin D, Fiitamiin B 12.
Daweynta Bidaarta
Kiniinka la yidhaaโ propecia ( Finasteride). Waxa laga helaa oo keliya dalka ingiiriska. Sida ay sheegayaan dhakhaariirtu kiniinkani wuxuu dib u soo celiyaa timihii Bidaartu goysay. Wixii saamayn ah ee uu keenayo waxa kuu sharaxi kara dhakhatar aqoon u leh.
Cali cabdi coomay
Suxufi, qoraa ah.
B.A in Journalism
Hargaysa, somaliland
Xigasho:
Only hair loss.com
Every day health.com.
Kasmo newspaper
Livesceince.com
Belgraviacentre.com