Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan saxaafada xorta ah ee isku Hawla raaligalinta Shacbigooda
Hadii aan fikirkayga ku cabiro maqaalkan aan kaga hadlayo { Saamaynta ururada cusubi ayku Yeelanayaan nabadgalyada dalka}
Waxaynu ognahay in aynu cadaw badan leenahay inaga oo ku dhex Nool mandaqad xaaladeeda Nabadgalyo ay aad u xaasaasi tahay
Hadaba maanta inaga oo aan wali galin ololihii tartanka ururada ayaa
Waxaa cadawgeenu uu isku dayey in wax yeeleeyo nabadgalyada wadanka sida dhacdadii Maalintii dhawayd laysku dayey in qarax laga sameeyo magaalada hargeysa ee fashilantay
Taas oo markii shacbiga warbaahinta looga sheegayey ay cadeeyeen saraakiisha ciidanku in aan Cid loo hayn, cidii falka gaysanaysayna ay baxsatay halkaas oo aad ka qiimaynkarto in cadawgu Dalka ku nool yahay,isla markaana awoodeena ciidanka amnigu ay saamixi waydey in
Gacanta lagu soo dhigo cidii falkaa fulinaysay
Hadabaย waxaa is waydiin leh marka lagaadho xaalada tartanka ururada
Siyaasada xukuumadu ma u haysaa ama ma u qorshaysey siyaasad cad oo lagaga Gaashaamankaro wax yeelada cadawgu inala jecelyahay mise
Sida falkaa hore aan cid loogu haynin ayaa ka sal ah
Gabagabadii
Waxaanu shacbiga u soo jeedinayaa in ay feejignaadaan,ilaashadaan isla markaana aanay isku Halayn xukuumada ama laamaha amniga