Holand(SLPOST)Waxaa habeenimadii xalay kulan magaalada The Hague ku yeeshay Hogaamiyayaasha dalalka adduunka ugu qanisan dhanka warshadaha ee G7 kuwaasi oo sheegay in ay dalka Ruushka ka saareen kooxdii la isku oron jiray G8.
Hogaamiyayaasha G7 ayaa ka qeyb galaya shirka ka socda magaalada The Hague ee looga hadlayo amaanka hubka Nukliyeerka.
Dalalka Midowga Yurub ee xubnaha ka ah G7 sida Jarmalka ayaa si weyn uga caga-jiidaya in cunaqabateyn dhameystiran la saaro dalka Ruushka oo uu ka dhaxeeyo ganacsi weyn.
Dalalka Midowga Yurub ayaa la sheegay in tamatooda ay isticmaalaan 13% uga yimaado dalkaasi Ruushka. Waxaana jira shirkado badan oo reer Yurub ah oo ku xiran Ruushka oo kasoo horjeeda cunaqabateyn dhameystiran oo dhaawici karta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalalka horumaray iyo caalamka guud ahaan.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Segie Lavrov oo isaguna ku sugan shirweynaha Amaanka Nukliyeerka ee ka socda The Hague ayaa saxaafada usheegay in Ruushka uusan wax weyn u arag in laga saaro G8 oo uu ku tilmaamay koox ama madal aan rasmi aheyn oo ay kuwada sheekaysan jireen Reer Galbeedka iyo Ruushka.