RIYADII SAC-MAALADDA: Sheeko Khuseysa Habka Hogaaminta iyo Qaabka Musharaxiinta. Qaybtii 2aad

0

Furaha qiimeynta hoggaaminta boqorkaasina waxay noqotay tii ugu khatarta badnayd ee xirfad ahaan loo isticmaalo, casharada hore ayaa wax laga bartaa.

 

Sidoo kalena, waxa haboonayd waa haddii uu hoggaamiyahaasi sameyn lahaa ururinta arragtida dadku siday wax u arkaan, una dareensan yihiin ee ay fahamsan yihiin,ย  gacmahana isku qab-san karayaan, ay wax-tar weyn u lahaan lahayd hogaamiyahaas, isla-markaana ay bixin lahayd mustaq-balka sawirka ugu qaalisan.

 

Waxay kale oo ay ahaayeen Sac-maaladaas kuwo aad u tixg-aliya boqorka markay horjoogaan oo kaliyaย  laakiinse marka ay ka maqan yihiina waxay aahaayeen kuwo hoos u dhigi jireen, taasi waxa suuragal ah inay sabab u ahayd xirfadahooda shaqo iyo xirfadiisa dabiiciga ah ee ay lahaayeen Sac-maaladaasi oo aad u liidatay,ย  inkastoo aan la odhan karin taasi inay tahayย  tixgalin dhab ah, balse ay tahay tix-galinta dhabta ahiย  ta markay ka maqan yihiin ay siiyaan, taasina waaย  taโ€™kaliyaata ee qiimaha ixtiraamku mudan yahay.

 

Inkastoo Boqortooyadaas ay lahaydย  aragti, awood maamulย  iyo ujeeddadaย  siyaasadda nolosha dadweynaha taasoo dhamaan dadka rayidka ahi ay u wada hogaansanaayeen waxay ay tilmaamayso siyaasadda maamulkaasi, laakiinse, ka dib markii sac-maaladaas loo qaabeeyey siyaasadda arrimaha muwaadiniinta iinay ku shaqeeyaan xirfada maareynta wax-qabad toosan ooย  wax ku ool ah iyo farshaxanka yoolka qorshaha nidaamka maamulka dowladdnimo, taasoo ahayd habka barshada, baadhida, tijaabinta, uย  kuurgalida qaab-dhismeedka iyo dhaqanka dabiiciga ah ee ka jira boqortooyadaasi.

Sac-maaladu waxa ay u isticmaaleen siffo aad u liita oo ahaa siffo-khaldan kana duwanaa siffaha aynu kor ku soo sheegnayย  ay u dhigtaan hab far-shaxan illaaqa, musuq-maasuq, danno ay u eekeysiiyeen inay ku tar-tamayaan mabaadi iyo hogaamin ay doonayeen inay ugagaย  faaโ€™ideystaan danno gaar ah, dannaha caamka ah ee guud, sidoo kalena waxay sac-maaladaasi ayย  lunsadeen in ka badanย  malaayiin lacaga taasoo ay ka musuq-maasuqeen dhaqaalihii ka soo bixi jiray iib-geynta subaga laga sameeyo burcadka caanaha loโ€™da,ย  laga lulo.

Boqorku markii uu ogaadey inay jirto wax-yaabo badan oo laf-jab ku ahaa boqortooyadaasi iyoย  in loo soo dhex-marayย  sac-maaladiisa oo ay salaam u noqdeen sidii ay wax-yeelooyin khatar badan oo ay doonayeen inay soo gaadhsiiyaan boqortooyooyinkiiย  cadow ku ahaa boqortooyadaasi, isla-markaana ay ka fuliyaanย  gudha dalkaasi.

ka dib markiii ay kaย  war-heleen sac-maaladaasi in la ogaadeyย  haddimooyinkii ayย  maleegayeen waxay ku dhaqaaqeen inay mar qudhaato qaar ka mid ahaa sac-maaladaasi ay ka dareereen shaqadii loo igmadey, taasoo ay is lahaayeen in ay tahay arrinka kaliyaate ee ay ku wiiqi kartaan habkii geediย  socodka ee boqortooyaddaasi.

Waxaanaย  arrintaasi lagu sababeeyey inay ahayd guul ka mid ah guulihiisii uu ku gaadhay guusha boqorkaasi, ka dib markii uu dhigay shaxโ€“xeelad ย farsameysan, taasoo uu kaga wareejiyey subagii ay ka sameyn jireen burcadka laga lulo caanaha loโ€™da, ee ay sida qarsoodi ah ugu iib-geyn jireen suuqa madow, waxaanay ahayd ย isha ugu-weyn ee dhaqaalaha ay musuq-maasuqaani uu ka soo gali jiray, waxa kale oo iyana jirtay in marar badan boqortooyooyinkii kale ee xidhiidhka dhow laโ€™lahaa ka soo saareen war-bixino, digniino iyo sawiro muuqaalo fool-xun oo ay ku suureyn jireen dibin-daabyada iyo shirqoolada ay sac-maaladaasi ka wadeen gudha boqortooyadaasi iyo boqortooyooyinka ย jaarka la ahaa.

 

la soco โ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ..

Qor/ Maxamed Faarax Qoti