Muqdisho (SLpost)- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Dekedda magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay in Xukuumaddu ay sii dardar-gelinayso qorsheyaasha lagula dagaallamayo musuqmaasuqa iyo ku tagri-falka hantida iyo awoodda dowladnimo.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Raโiisal-wasaaraha u qaabbilsan warbaahinta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay aftahannews, kaasoo u dhignaa sidatan:-
โRaโiisul-wasaare Rooble, ayaa xarumaha uu booqday kulammo kula yeeshay Madaxda iyo masuuliyiin hayโadahan goobahooda shaqada, isagoona ka dhageystay warbixinno ku saabsan hannaanka hufnaanta maaliyadeed ee adeegyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Rooble oo dul istaagay tallaabooyinkii horey loo qaaday ee ka dhan ahaa musuqmaasuqa ee ay ka mid ahayd in sharciga la horkeenay masuuliyiin dowladeed oo ku eedaysanaa Xatooyo xoolo dadweyne ayaa sheegay in la sii xoojin doono tallaabooyinkaas, iyadoo Xukuumadda ay ka goโan tahay dhowridda ammaanada ay u heyso shacabka Soomaaliyeed.
Raโiisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay Madaxda iyo howlwadeennada ilaha dakhliga ee uu booqday in ay sii dardar geliyaan shaqadooda, si kor loogu qaado dakhliga dalka oo saameyn xooggan uu ku yeeshay codurka COVID-19 ee kala xiray dunida.โ