Nairobi (SLpost)- Raβiisal-wasaarihii dalka Haiti, Ariel Henry, ayaa laga bilaabo Isniinta maanta la laβyahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay, saddex maalmood kaddib markii uu madaxweynaha Kenya la galay heshiis laba geesood ah oo loogu gogol-xaadhayo ciidamo caalami ah oo gacan ka geysta soo celinta ammaanka waddanka Haiti oo toddobaadyadii u dambeeyey qalalaase ka socday.
Dagaal baβan oo u dhexeeya booliska iyo kooxo hubeysan ayaa toddobaadkii hore ka dhacay dalka Haiti, waxaana raβiisal-wasaaraha dalkaas u hanjabay hoggaamiye-kooxeedka kooxo maafiya ah oo ka hawl-gala dalkaas, kuwaas oo doonaya in raβiisal-wasaare Henry xilka laga tuuro.
Dowlada Haiti ayaa xaalad deg deg ah oo soconeysa 72 saacadood geliyey dalkaas kaddib dagaal xoogan oo u dhexeeya booliska dalkaas iyo kooxo hubaysan
Jimmy Cherizier oo ah Hoggaamiyaha Kooxaha Maafiyada, horena u ahaan jiray sarkaal boolis ah, ayaa ujeeddada ka dambaysa qalalaasaha ka jira dalkaas ku sheegay mid lagaga soo horjeedo in Raβiisal-wasaare Henry dalka dib ugu soo laabto.
Raβiisal-wasaare Henry ayaa toddobaadkii hore ka dhoofay dalkiisa si Caalamka taageero uga raadiyo ciidamo caalami ah oo soo fara-geliya xaaladda Haiti oo ah waddanka ugu saboolsan dalalka ku yaalla Galbeedka Badweynta Atlantic-ga.
Raβiisal-wasaaraha Haiti iyo Madaxweynaha Kenya, ayaa Jimcihii kala saxeexday heshiis suurta-galanaya in dalkaas loo diro 1,000 Askari oo ka mid ah Booliska dalka Kenya, kuwaas oo qayb ka noqonaysa Ciidamo Caalami ah oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay si ay u soo dabbaalaan ammaanka iyo kala-dambaynta dalka Haiti.
Dowladda Kenya ayaan wali ka hadlin halka uu ku sugan yahay raβiisal-wasaare Henry tan iyo markii heshiisku dhacay Jimcihii toddobaadkan.
Waxa ay ahayd Sannadkii 2021-kii markii shirqool ay ka dambeeyeen Kooxaha Maafiyadu lagu khaarajiyey Madaxweynihii dalka Haiti, Jovenel MoΓ―se oo lagu dhex-dilay Aqalka Madaxtooyada.
Jovenel MoΓ―se oo ahaa madaxweynihii 43aad ee dalka Haiti, waxa la sheegay in dilkiisa loo adeegsaday 28 Calooshood u shaqaystayaal Ajaanib ah oo badankoodu u dhashay dalka Colombia.