Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Dalka Faransiiska oo Dhammeystiray Dhismaha Xukuumaddiisa oo u badan Garabka Bidixda

0

Paris (SLpost)- Ra’iisal-wasaaraha cusub ee dalka Faransiiska Jean Mark Ayrault ayaa dhammaystiray dhismaha xukuumaddiisa cusub, isaga oo xukuumadda ku soo daray wejiyo cusub iyo kuwo horeΒ  uga tirsanaan jiray xukuumadihii dalkaasi taladiisa u kala dambeeyey.

Mr Jean-Marc waxa uu jagada Wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay Loran Fabyos ooΒ  hore Raysalwasaare uga soo noqdayΒ  dalkaas, waxaanuu ka tirsan yahay xisbiga Hanti-wadaaga.

Waxa kale ooΒ  jagada wasiirka maaliyadda loo magacaabayΒ  Gudoomiyihii Ololaha doorashada ee Madaxweyne Fransua Holand, horena u ahaan jirayΒ  Wasiirkii arrimaha Yurub.

Ra’iisal-wasaare Jan Mark waxa kale oo uu u dhiibay jagada wasiirka difaaca Mr Jaan Lad-riyan,Β  oo ah saaxiib ay aad isugu dhowyihiin madaxweyne Holand.

Sida muuqata,Β  wasaaradaha aasaasiga ah ee xukuumadda cusubΒ  waxaΒ Β Β  hoggaaminaya Qolyaha Bidixda ee xisbiga talada ku guulaystay.

SLpost News/Hargeysa