Qurbe-Joog iyo Qodaal-Joog: Xogwaran si mugleh u iftiimiyay cadawga maamul wanaagga

0

Waxa lawada dareemayaa in aay wax khaldanyihiinย  waxaynu kawada dharagsanahaycadaaladdarada iyo maamulxumada baahsan markale waxan waayo aragnimo kakorodhsanay talaabooyinkii ay qaadeen xukuumadihii hore talaabooyinkaa maamul toosinta ahaa oon midna lagu guulaysan waxan xusi karnaa geeridii marxuum cigaal ka dib madaxwaynihii hore ee riyaale wuxuu qaadayย  talaabo garsoorka lagu hagaaajinayo waxaanu bedelay dhamaan garsoorayaashii iyo kalkaaliyaashii wadankoo dhanย  isla markaa wasaarada cadaaladu waxay magacawday oo bulshada rayidka ah laga soo qaatay garsoorayaal cusub nasiibdarese waxguul ah maykeenin cadaalad daradiina halkii bay ka sii socotay, waxaynu uga faiidaysanaynaa dhacdadaa in ayna dadwaynuhu helayn maamul wanaagsan oo horumar sinaan iyo cadaalad u horseeda ilaa iyo ay burburiyaan heshiiska aykula jiraan bahalaha u cadawga ah in lahelo maamul wanaagsanย  macaamil xooglihi kadhexeeyo bahalahaas halista ahย  lama yaqaano halka ay ka soo fakadeen ee lagu dhaqdayย  inta badan waxay dadka ku dhibaan maamulka dawliga ah iyo dadwaynaha dhexdooda waxay cabsi galiyeen bulsho waynta Somaliland waxayna u daranyihiin dadka danyarta ah naafada iyo dadka jilicdasanย  waxaan maqlaa oo an arkaa oohinta dadwaynaha waxanka warhayaa boqolaalka baqaha iyo warwarka uu ku abuuray waxan lakulmayย  dadka uu dulmiyayย  hantidoodiina uu ka qaatayย  markale waxan lakulmay bulshada ay dhibta intaa leeg ku hayaanย  oo macaamil wanaagsan la leh ma yaqaanaan bahalahaasi xuquuqda aadamahaย  mana yaqaanaan xaq iyo baadilย  mararbadan ayay xukuumadihii Somaliland soomaray iyo xukuumadan talada haysaaba isku dayeen in ay burburiyaan hishiiskaa dhexmaray iyo bahalahaย  inkastoyna ku adkaysan go,ankaasย  hadana waxa markasta difaaca ee gaadhka ka ahiย  waa dadwaynahaย  bahalaha cadawga u ah maamulwanaagsan oo la helo waxa afย  yaqaan dadka dhaqaalaha iyo magacyada laxurmeeyo kaga jira dabaqada sare iyo ta dhexeย  danyarta naafada iyo dadka jilicdasan ma afyaqaanaan balse hishiiskii dhexmaray dadwaynaha iyo cadawga mamul wanaagaย  waxayย  ku lahaayeen hishiis iyo saxeexyo,sobobtoo ah waxay ku taamayaan in ay afgaranlahayeen hadii ayku noolaanlahayeen dabaqada dhexe iyo ta sareย  ee mabdi,iyan waa ka raali in ay la macaamilaan cadawga maamulwanaaga

Heshiiskii dhexmaray midka mid ah cadawga in ay dadwaynuhu helaan maamul ku dhisan caqiidada islaamka oo xurmeeya shuruucda dawliga ah oo xanaaneeya bulshada uu xukumo wuxuu heshiiskaasi soo taxnaa qarniyoย  badan waxanan ka dhaxalay awoowyasheen waxana uu sigaar ah ula dagaalamaa midnimadaย  isku duubnida iyo waxwada qabsiga wuxuu ka awoodbatay diinta iyo wadaniyada balse waqtigan aynu joogno,awoodiisii waywiiqantay oo sidii uu waayo ahaanjiray ma. Aha waxanan cadayn uga dhigayaa danyarta naafada iyo dadka jilicdasan ayaan ku helin gargaar iyo gurmad waana bahalka koowaad waana qabiilka bahalkaasi waxuu ku tamariyaa waqtigan manta aan joogno oo gargaarkiisa ugu badan ufidiyaa dadka nololahaan dabaqada sare iyo ta dhexe ku jira sobobta oo ah waxay awoodaan in ay iska bixiyaan ujuurada ama mushaharka uu ku shaqeeyoย  waana cadawga labaad ee ay dadwaynaha Somalilandย  ay macaamilka xoogan la leeyihiinย  wuxu u dhexeeyaa maamulka dawlada,heerkuu doonaba hajoogee iyo dadwaynaha wuxuu noqday furaha milgaha maamulkaย  lagu waxyeeleeyoย  sharcigana lagaga leexiyo waxa laga aaminsanyahay in uu yahay furaha is afgarashadaย  ladqabahaย  xaalmastuurka iyo mustafaynta, waxana ka dhexsamaysmay halku dhegyo iyo hadalo duurxul ah oo laysku afgartoย  waana cadawga koobaad ka hor jooga in ay helaan dadwaynuhuย  maamul cadaalad iyo hurumar ku hogaamiyaย  bal waxyar an idiinku iftiimiyo maansadan,

vย  waanadaan libilaabay.

vย  Afarlayda malaacine

vย  Laas aan gudhaynbaan

vย  Murtidii ka ladaabtoo

vย  Maansadaydii labaad

vย  Laaluushkaan faraciisiyo

vย  Laamihiisa ku diidoo

vย  Aqooni iiguma laabnee

vย  Bahalkaa luqaddiisiyo

vย  Lahjadiisa aqaanoo

vย  Musuquu ku lamaanyoo

vย  Laba weeyi xidhiidhoo

vย  Lanbarkoodu midweeye

vย  Maamulkuu lulujaayoo

vย  Laxaadkuu ka dhantaaloo

vย  Laangadhuu ka dhigaayoo

vย  Laluushkaa bixintiisay

vย  garsoorkii lagdameenoo

vย  tamcaduu lugihiisiyo

vย  lawga uu kaga duubaa

vย  lafihii kala daadshoo

vย  cadaaladii libinteeduu

vย  lidigeeda ahaadoo

vย  laaxinkuu galiyaan

vย  cidi loodinkaraynoo

vย  dhaqankuuna kalaaloo

vย  asluubtuuna ka leexshoo

vย  laali hoos uqodanbuu

vย  gunta hoose ligaayoo

vย  cid ma laaci karaysee

vย  libaantii bulshadeenuu

vย  laaluushkaa ka horjoogee

vย  midigtaada ka laabo

Maansadaa sida mugga leh u iftiiminaysay dhibaatada iyo diliga uu baday dadwaynaha Somaliland iyo dawladaba ,sida taariikhdu xusaysoย  waxaa hubaal ah in milgaha dhaqahka umada Somaliland uu xor iyo xalaal ka ahaa macaamilka iyo heshiiska laaluushka ,bahalkani waxa uu ka mid yahay cudurada aan ka dhaxalnay ama ay inna dhaxalsiisay guuldarradii xornimadii lixdankiiย  iyo dhicii ,dilkii,iyo ku tumashadii xiquuqda Aadamaha eeย  aynu kala kulanay xukuumadii kali taliska ahayd ee SIYAADย  BARRE waxayse is waydiintu tahay mala gaadhay wakhtigii laga gaashaaman lahaa macaamilka laaluushka oo ah Aabaha sharka)waxaan qabaa in aan wali la gaadhin waqtigii laga gaashaman lahaa sobobtoo ah hishiiskaa waxaa loo jidiidiyay mudadan aynu dimuquraadiyada qaadanany waxaanu noqday oo laisku afgartay in uu macaamilkiisu iyo suuqiisuba xaami noqdo hadii aynu halkaa ku dhaafno cadawga saddexaad ee hadii aynu heshiiska aynu la galay dawlad iyo dadwaynabaย  oo hadii aan heshiiskaa laga bixin ay adkaan doonto jiritaanka dawladan curdinka ah een aqoonsiga ka helin beesha caalamka cadwgaasi oo ah musuqmaasuqa oo aynu ka wada war hayno isku daygii ay xukuumadaniย  siiraanyo isku dayday in ay la dagaalanto musuqmaasuqa iyo hiilkii ay ka la horyimaadeenย  qaybaha kala duwan ee bulshadu siiba madax dhaqameedku Kuwaas oo sida fiinta uga qaylyay baadhitaankii hayada hanti dhawrka guud ku samaysayย  dawladaha hoose ee magaalooyinka gabilay,hargaysa,iyo burco waxana maragcad u ah heshiiska ay dadwaynaha soomaliland la galeen cadawga saddexaad ee hortaagan in la helo maamul wanaagsanย  bal waxyar aynu dul istaagno maansadan sida nuga leh u iftiiminaysa heshiiska ay dawlad iyo dadwaynaba ayku yihiin musuqmaasuqa

vย  bahalkaa musuqmaasuq

vย  dadbaa maali yaqaanoo

vย  muftaaxiisa heloo

vย  majo jiifta noqdoo

vย  ninka guusha uraadshoo

vย  macalimiina u doontoo

vย  nusixiriinta la sheegiyo

vย  ma diidooyin yaqaanoo

vย  sharcigoo la mulaaqiyo

vย  mugdigay ka helaanoo

vย  mabsuud ay ku noqdaan

vย  maalintaa fatashaadiyo

vย  loo maleego xisaabtana

vย  marmarsiiyo ma waayo

vย  qabiilbaa magantiiya

vย  madaxdii dhaqankeenaa

vย  xaalmastuurka bilawdoo

vย  waa qareen magac waynloo

vย  maslaxaada damiinkiyo

vย  mustafaynata ma waydo

Dhacdooyinkaa kor ku xusan ee xaqiiqda ku qotoma waxay ina tusayaan in xukuumadihii kala danbeeyayย  aan lagu canaan Karin lagulana xisaabtami Karin inla helo maamul wanaagsanย  oo cadaalad iyo sinaan bulshadaย  u horseeda maadaama ay dadwaynaha soomaliland difaac ugu jiraan musuqmaasuqa xukuumada madaxwayne siiraanyo iyo kuwii ka horeeyayba ee dhaliisha u wayn ee ay ka siman yihiin waa wacyi galin la aanta aanay bulshada ka wacyi galin aafada musuqmaasuqa marlabaad wax yar aynu dul istaagno tuducyo ka mida maansadii musuqmaasuqa

vย  bahalkaa musuqmaasuq

vย  dawladaha muga waynlee

vย  micidoodu adkaatay

vย  malagbuu ku noqdaayoo

vย  bangiyada maalku ka buuxana

vย  musalafbuu ka dhigaayoo

vย  makhalkuu gudhiyaa

vย  qasnaduu madhiyaa

vย  macaluusha warkeedana

vย  markhaatuu ka yahoo

vย  mawjaduu kiciyaa

vย  mashaakilbaa ka abuurma

sida aynu wada ogsoonahay maamulka dawliga ah iyo dadwaynaha Somaliland waxaysi wayn u wadaagaan ka raali ahaanshaha jiritaanka musuqmaasusqa isagoo ay marwalbana la ildaran yihiin kana ooyayaan dhibaatooyinka uu sababo iyadoon marnaba masuuliyada jiritaanka musuqmaasuqa dusha laga saari karin dawlada oo kaliya maadaama nidaamkan dalkeenu ku dhaqmaa uu yahay nidaamka dimuqraadiga ee maamulka dawliga ahi dadwaynaha ka dhexyimaado marsadexaad bal waxyar aynu duljoogsano maansadii musuqmaasuqa

vย  bahalkaa musuqmaasuq

vย  maamulkii unuglaada

vย  dagaalkiisa ka maagay

vย  mididiisu dhaxqaado

vย  madfacaan la arkayniyo

vย  miino weeyi qarsoonoo

vย  maruunbay qaraxdaa

vย  bahalkaa musuqmaasuq

vย  maamulkii ku shaqeeya

vย  maraan aan la fahmayniyo

vย  maqaarsaarka la sheegiyo

vย  madluun buu ka dhigaayoo

vย  hadalkiisa mugiisu

vย  macna buuran mayeesho

vย  bahalkaa musuqmaasuq

vย  muwaadinkii ku shaqeeya

vย  maafiyuu ka dhigaayoo

vย  mukhaadaraadka la quutiyo

vย  macsiduu badsadaa

vย  boqolaal miyirbeelaan

vย  magdhawgoodii udoonoo

vย  balana waan u mudeeyay

vย  bahalkaa musuqmaasuq

vย  garsoorkuu murgiyoo

vย  xaqa wuu malmaloo

vย  murankuu sabobaayoo

vย  masiibo weeyi qarsoon

inkasta oo xukuumadan madaxwaynne siiraanyo ku talaabsatay dadaai xoogan lana odhan karo kumay adkaysan goaankeeda waxay manta taagan tahay faanoole fari kama qodna oo wali hoos umay dayin musuq maasuqa aafeeyay mucaawinooyinka hayadaha caalamigi ay bixiyaan bal dib aynu ugu noqono maansadii musuq maasuqa

  • bahalkaa musuq maasuq
  • dadbaa maali yaqaanoo

muftaaxiisa heloo

majo jiifta noqdoo

masaakiinta xaqoodiyo

maatiday ladegoonoo

mishiino beero waraabshiyo

madaraqii dhul qodaalkiyo

majadaan ka badbaadin

mushtarbay ka noqdeenoo

macaashbay ka hellaan

Hadii aynu halkaa ku dhaafno cadawga sadexaad ee inaga hortaagan in aynu helo maamul wanaagsan aynu u gudubno bahalka afraad ee isaguna inaga hortaaganย  in la helo maamul cadaalad iyo sinaan ku shaqeeya xogtan aan soo ururshay waxay iftiimisay in uu yahay xurmayn la aanta sharciga iyo ku dhaqan la aanta xeerarka iyo shuruucda dawlig a ah waxana qayb wayn ka qaataย  in lagu dhaqmi waayo oo la xurmayn waayo shuruucdii aan dhiganayย  bahalahaa aan kor kaga soo shekaynayย  bahalkan afraadseย  lama wadaagaan dadwaynuhu dhaliishiisa ee xukuumada kolba joogta ayaa dhaliishiisa dhabarka ku qaadan ayasa sobabta oo ah xukuumada iyadaa loo doortay in ay fuliso shuruucda aysoo ansixiyaan golayaasha sharci dajintu xogtani waxay daaha ka qaadaysaaย  hirdankaย  iyo is garbinta ka marwalba u dhaxaysa laba masuul oo digreeto lagu soo magacaabayย  markale xogtani waxay daaha ka qaaday hirdanka u dhexeeya laba hayadood oo xukuumadan madaxwayne siiraanyoย  ka wada tirsan waxanan markhaati cad u ah xeer ilaalinta guud iyo hanti dhawraha guud hayadahaasi oo si caga jiid ah u wada shaqeeya markale waxa xusid mudan wasiir iyo agaasimihii wasaaradaasi oo wax kale jiidanaya oo hirdan iyo guux hoose uu markasta ka dhaxeeyo waxa xusid mudan wada shaqayn la aanta hayadaha iyo wasaaradaha ay shaqadoodu kulmayso taasoo marag cad u ah in laga duulo hadafย  isku mida iyo dariiq kaliya isku soo wada duubuu waxaynu wada ognahay in ay jiraan shuroocdaย  kala xadayn aysa maamulka dawliga ah iyo qodobada qeexaya awoodaha iyo kala saraynta maamulka dawliga ah iyo wada shaqaytooda waxayse iswaydiintu tahay maxaa keena marwalba muranka iyo wax kala jiidashada masuuliyiinta dawlada ee gaadha heer ay saxaafadu bogoga hore ku qorto xogtani waxay si baaxadlleh uxaqiijisay kudhaqan laaata iyo xurmayn laanta shuruucda dawliga ah taasoo ah mid saamayn balaadhan ku leh halka ugu saraysa ilaa halka ugu hoosaysa

ย iydoo saamayn balaadhan ku lee yihiin sadexda cadow een kor kusoo xusnayย  bal waxyar aan dul joogsano maansadan sida qotada dheer u iftiiminaysa xurmayn la,aanta shuruucda dalka iyo dhaqan galin la,aanta iyada oo si gaara u baraarujinaysa qaybaha kala duwan ee bulshada quba jooga iyo qodaal joogaba

vย  Xiniinyoole gabigiis

vย  Qurba joog xariiriya

vย  Xidhiidhadaย  aduunkiyo

vย  Xirfad iyo aqoonliyo

vย  Xaafidiinta diintiyo

vย  Xadro joog duceeyiyo

vย  Gidi xaafad joogtiyo

vย  Xaawalay haweeniyo

vย  Xeer beegti talisoo

vย  Dhaqan lagu xushmeeyiyo

vย  Xoogsatada dalkeeniyo

vย  Inta xaynta raacdiyo

vย  Xoolo dhaqatadeeniyo

vย  Xiiisadii abwaankiyo

vย  Murti xiiso galisaan

vย  Xaraf -xaraf u deeqsiin

vย  Xogtan maanta aan qoray

vย  Xikmad weeyi culusoo

vย  Daacad loo xambaarshoo

vย  Xeerย  beegti sheegoo

vย  Xaqiiqday ku qotantaa

vย  Dhaqankaan xigtaystoo

vย  Xogtan baadi doonkeed

vย  Qalin lagu xariiqiyo

vย  Xaashibaan u qaatoo

vย  Kuwa fulinta loo xulay

vย  Wasiirada xildoonka ah

vย  Xafiisyada dhamaantood

vย  Xubin xubin u marayoo

vย  Xarfihii distoorkiyo

vย  Xeerarkii dalkeenaa

vย  Xurmadoodii waayoo

vย  Xarumaha garsoorkaan

vย  Xeradooda booqdoo

vย  Xaalkooga baadhoo

vย  Xukunaan dhagaystoo

vย  Xaakimyaan waraystoo

vย  Xubintii garsoorkoo

vย  Gacmahoodu xoodmeen

vย  Xagleheed qaloocdeen

vย  Xajiinbaan korkeediyo

vย  Xuub adag samaystoo

vย  Xanafย  baan arkaayoo

vย  Xaqย ย ย ย ย ย ย ย  soorbaan ka waayoo

vย  Bahalahaan xusaayaa

vย  Xirfadoodu noqotoo

vย  Xaadhintooda weeyaan

vย  Sharci lama xurmeeyoo

vย  Xulafay noqdeenoo

vย  Xiisaha dhexdoodaan

vย  Xoogiisaย ย  yaabee

vย  Xaalkani siduu yahay

Mudadii aan ku jiray xogtan xaqiiqo raadiska ha waxa aan ku ogaaday in aanay bulshada qaybaheeda kala duwan aanay xil iska saarin xog ogaalna aanay u ahyn dhaqan galin la,aantaย  shuruucda dawliga ah dhamaan dad waynaha somalilandna waxay si wayn walaac iyo war war iyoย  cabasho joogta ah uga keenaan maamulka dawliga ah bal wax yar aan ka taabano maansadii xurmo.

vย  Dad waynuhu xagiisii

vย  Wali muu xisaabtamin

vย  Xayn daabka garashada

vย  Xigaalkeeda muu noqon

vย  Xalka waxay ka raadshaan

vย  Ayaa xumaantoo dhan keenoo

vย  Xeerarkii dalkoodii

vย  Xurfadbay ย ku tureen

vย  Xoolay ku bixiyaan

vย  Xaalal bay barteenoo

Run ahaantii waxaa meesha aan ka madhnayn oo aan xogogaal unahay xurmayn la aanta ay ubadheedhaan dhaqan galin la aanta ย xeer hoosaadka ee ay caadaysteen xisbiyada siyaasadu wxaa si xoogleh uiftiiminaysa maansadii xurmo

vย  Xisbiyada dalkeenan

vย  Ragbaa xero ku ootoo

vย  Kootay ku xidheenoo

vย  Xaafadaana sheegtoo

vย  Ka xayuubshay sharaftoo

vย  Xiligay qarxaysiyo

vย  xagaabaynuย  joognaa

vย  kulmiyanaย  xantiisii

vย  xadantadaย  warkiisiyo

vย  xurgufbaa dhex taaloo

vย  xafiiltankiisaย  murankiyo

vย  xawaaray ku socotaa

vย  xamxamtooda hoosana

vย  xalaybaan ku joogsaday

vย  xiina waana maqlaayoo

vย  xaadhintaanย  ku noolahay

vย  xuunbayย  wakiisheen

vย  xanaaqiisu badan yahay

vย  xajiimaale weeyoo

vย  runta kama xantaystee

vย  xisbi xaakimkeenee

vย  xaabo dhoosh ka yeeloo

vย  xarna wuu dhex qaadoo

vย  xarsho weeyi kala hadhin

vย  umaduna xor weeyoo

vย  ururkii xanaanshay

vย  iyaguna xanaanayn

vย  xertii waayo talisiyo

vย  udubtiyoย  xagoodii

vย  xirfadooda laga waa

vย  xulufadoodii loo baqay

vย  xina wuu dhex yaalaa

vย  xaaladoodu adakaa

vย  xisaabtooda lama galin

maqaalkan waxaa isku soo duba riday suxufiga hal abuurka ah

abwaan : sacad maxamuud gadhleย  gabiley soomaali land

Mobย  :ย  (002522) 4669910

ย qodaaljoog1@Gmail.com