Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa ka digay in muwaadiniinta u dhalatay JSL ee ka qayb-qaadanaya doorashada baarlamaanka ee la qorsheeyey inay ka qaybsoonta magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
Fadhigii maanta ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo Habka Maqalka iyo Muuqaalka u qabsoomay maanta, ayaa lagaga dooday dhowr arrimood oo doorashada baarlamaanka Soomaaliya ka mid tahay. Fadhiga golaha oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan arrimaha doorashada baarlamaanka Soomaaliya.
War-murtiyeedka ayaa lagu yidhi, “Arrinka ka soo yeedhay Muqdisho ee ah baarlamaan Somaliland metelaya ayaa laga dooranayaa Xamar waa meelka dhac iyo gef loola badheedhayo qaranka Somaliland.
Horeba Soomaaliya way u waday colaadaha ka dhanka ah Qarannimada Somaliland, balse tan maantu way ka daran tahay, qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in Xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda.”
“Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee Xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon.” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.
Dhinaca kale, Golahaa ayaa dood dheer iyo falanqayn ka yeeshay waxka bedelka iyo kaabista xeerka gaadiidka iyo waddo marista oo horyaalay golaha, waxaana qodob-qodob looga dooday xeerkaas oo ahmiyad weyn u leh qaranka.
Sidoo kale waxa goluhu dood ka yeeshay dhibaatooyinka iyo shilalka ay dadka iyo dalka ku hayaan gaadiidka aan waafaqsanayn haadka iyo waddo marista iyo gaadiidka yaryar ee ku soo badanaya wadanka isla markaana cidhiidhiga ku haya isu-socodka, iyadoo goluhu fadhiyada danbe ka soo saari doono go’aamo lagu xadidayo gaadiidkaas la iskuna waafajinayo haadka baabuurta iyo waddooyinka.
Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net