Baqdaad, 24 January, 2012 (SLpost)- Saddex iyo toban qof ayaa maanta ku dhintay caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad, halka inka badan todobaatanย qofna ku dhaawacmeen , ka dib markii qaraxyo ismiidaamin ah lagu fuliyey goobo kale duwanoo ku yaala magaaladaasi .
Qaraxyadan oo loo adeegsaday baabuuro waxa uu ka dhacay kii u horeeyeyย degmada Sadar ka labaadnaย waqooyiga Baqdaad, hase yeeshee waxa la sheegayaaย inย dadka dhintayย amaba dhaawacmay ku jiraan dumar iyo caruur ah .
Geesta kale,ย qaraxyadan inta badan ka dhaca dalka Ciraaqย ayaa lala xidhiidhiya khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya ย madaxda Suniyiinta iyo Shiicada , taas oo maantaย qaraxyadii dhacay lala bartilmaansaday gobaha ay ku badan yihiinย dad aaminsanย mad-habtaย Shiicada.
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net