Waxaa mahad dhamaanteed iska leh ilaahay SWT waxaan kaloo umahad celinayaa saxaafada xorta ah ee inta badan ku hawlan gudbinta wararka, iyo qoraalada saliimka ah.
waxaan jecelahay inaan si kooban ugaga hadlo Qormadan 3aad oo ka mid ah maqaalkii aan ugu magac daray QARAN HURDA (Sleeping nation) dhibaatooyinka haysta dhalinyaradeena ama jiilka wadan usoo kacaya dhibaatooyinkaas oo hada noqday AAFOOYIN QARAN kuwa ugu daran ee ka jira dalkeena hooyo
Dhibaatooyinkaas waxaa ka mida
1.tahriibka oo 3 bilood ee ugu danbeeyay kor u kacay nasiib daro dawladu way ku guul darysatay inay samayso habka ugu fudud ee lagu yarayn karo tahriibka iskaba dhaaf inay yarayso xataa ma oga inta dhalinyaro ee ka haajirtay wadanka taasina waa aqoon darada iyo xil gudasho laโaanta haysta laanta socdaalka wadanka oo aan ka warbixin Karin dhalinyarada qulqulaysa
2.shaqo laโaan baahsan waxaana lagu tilmaami karaa AAFO QARAN oo soo food saartay daโyarta jamhuuriyada Somaliland waana aafada hooyada u ah in dhalintu wadanka ka firdhato dawlada hada jirtaana maaha mid weli soo bandhigtay (strategy) istiraatiijiyad cad oo lagu yaraynayo shaqo laโaanta baahsan ee gaadhsiisan 80% hadaanayba ka badnayn
3.dhalinyarada wadanka waxaa kaloo dhibaato ku ah maamul xumada jirta iyo cadaalad laโaanta ka taagan fursadaha shaqo ee yaala Somaliland waxaa taa uraacda waxaa dhalinyrada loo jeexayaa sida loo barto hogaaminta xun iyadoo indhaha laga qarsanyo in dhalinta lagu barbaariyo โGood leadershipโ hogaaminta wanaagsan
Dhibaatooyinka dhalinyarada reer Somaliland ay deriska la yihiin maaha mid lagu soo koobi karo hal maqaal laakiin waa mid ubaahan in looga gurmado oo ficil lala yimaado Alle ha u gargaaro dhalinta wadanka hana ku hanuuniyo jidka toosan AMIIN
Waad Mahadsantihiin
Abdifatah Basher Hassan
Basherson@Gmail.Com
Burao-Somaliland