Qaramada Midoobay Oo Ka Dayrinaysa Xaaladda Gargaar Qaybinta Ee Dalka Yemen

0

Cadan, (SLpost)- Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hawl-galada baniโ€™aadanimo ee dalka Yemenย  ay istaagayaan maalmo gudahood , haddii aan dib loo soo celi sahayda shiidaalka.Yemen

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxay ka digayaan in caafimaadka, biyaha, fayo-dhawrka iyo adeegyada isgaadhsiintu ay qarka u saran yihiin inay burburaan.

Yaraanta dhinaca shiidaalka ayaa aad looga warwarsan yahayย  inay istaagaan qaybinta gargaarka oo dadku aad ugu baahan yihii, waxaana xanibaya in shiidaal la helo dagaalada oo sii kululaanaya.

Khamiistii shalay ayaa cusbitaalka ugu weyn ee magaalada Cadan ayaa waxa soo gaadhay burbur aad u weyn, shirkadaย  fayo-dhawrka iyo biyaha ee gobolka Cadan waxay sheegtayย  inaanay awooddayn inay shaqayso duqaymaha socda dartood. Sidoo kale madaarada dalka oodhan ayaa xidhay.

Ban Ki-moon ayaa carrabka ku adkeeyay in baahi weyn loo qabo in xabad joojin la sameeyo.

Somalilandpost.net