
Washington, (SLpost)- Waaxda gaashaan-dhigga Mareykanka ayaa amar ku bixisay in baadhitaan lagu sameeyo sida ay ku dhacday in walxaha tijaabada ah ee la doonayay in laga baadho cudurka dilaaga ah ee kudka, ka dib markii la ogaaday in walxo halis ah oo sababi kara cudurkaasi si qalad ah loogu diray shaybaadhada cilmibaadhista ee ku yaalla gudaha iyo dibadda Mareykanka.
Bayaan ka soo baxay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in 11 gobol oo Mareykanka ah iyo laba dal oo dibadda ah oo kala ah Kuuriyada Koonfureed iyo Australia la rumaysan yahay in loo diray walxahaas.
Waaxda gaashaan-dhigga Mareykanku waxay sheegaysaa inay heshay ilaa iyo shan shixnadood oo ah walxaha loogu talo-galay tijaabada cudurkani, kuwaasoo mid ka mid ah la geeyay dalka Australia.
Dhacdadani cusub ee haatan soo baxday ayaa waxa ay muujinaysaa in qaladaad badan oo dhanka nidaamka ah ay ka dhaceen xarunta cilmi-baadhista ciidamada ee gobolka Utah, taasoo ahayd in marka hore la xaqiijiyo in walxahaasi aanay ahayn kuwo dadka qaadsiin karaya cudurka kudka ka hor inta aan la gayn shaybaadhada.
Waaxda gaashaan-dhigga Mareykanku waxay intaas ku dartay inaanay jirin halis gaar ah oo ku wajahan dadweynaha, sidoo kalena ay jirto halis aad u yar oo ku wajahan shaqaalaha shaybaadhadani, balse waxa la amray dib u eegis baaxad leh oo dhanka nidaamka ah in lagu sameeyo shaybaadhada milateriga ee lala xidhiidhinayo arrintani si loo yareeyo halista cudurkaasi.
Sidoo kale waaxdani waxay ku talisay in la hakiyo tijaabada ka socota shaybaadhada la geeyay walxahan ilaa iyo amar dambe.
Somalilandpost.net