Hargeysa (SLpost)- Shir ay isugu yimaaddeen cuqaasha, wax-garadka iyo Aqoon-yahannada Beesha Ciise Muuse Galbeed ayaa galabta Shir-jaraaβid ku qabtay Hotel Xamdi ee magaalada Hargeysa.
Kulankan waxay faah-faahin kaga bixiyeen isla markaana ku qaaddaceen shirka Beeshu qaban-qaabinayso ee lagu wado inuu 29 September ku qabsoomo tuulada Dubur ee gobolka Saaxil.
Markii uu dhammaaday kulankan waxa saxaafadda loo qaybiyay qodobbo ay ku sheegeen inay gun-dhig u yihiin shirkooda jaraaβid. Waxay ku sheegeen inay goβaasadeen dood ka dib in Ciise Muuse Galbeed:
- Β Aanay ka qayb-galayn shir-siyaasadeedka Dubureed oo lagu iclaamiyey magaca beesha Ciise Muuse ee khilaafkuna ka taagan yahay.
- In Aanu taageersanahay Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo haddii aanu nahay cuqaasha, wax-garadka iyo aqoon yahanka Ciise Muuse Galbeed, isla markaana waxaanu ka soo horjeednaa cid kasta oo Qaranimada wax yeelaysa, mucaaradaysa ama nabadgelyada wax yeelaysa.
Magacyada Xubnaha Shirka-jaraaβid isugu yimi
- Chief-Caaqil Jaamac Cumar Samatar
- Caaqil Cumar Diiriye Yuusuf
- Caaqil Ismaaciil Muxumed Ibraahim
- Chief-Caaqil Cilmi Rashiid Aadan
- Caaqil Cabdi Xasan Xaamud
- Caaqil Rashiid Axmed Maxamed
- Caaqil Abokor Ciise Cali
- Caaqil Aw-Siciid Axmed Cali
- Caaqil Xuseen Cabdilaahi Cawaale
- Caaqil Cawaale Sahal Geeddi
- Caaqil Xasan Yuusuf Cabsiiye (Xeer-yaqaan)
- Caaqil Nuur Xasan Faarax
- Caaqil Saleebaan Cali Guuleed
- Oday Ibraahim Aw-Cali Ileeye
- Oday Yaasiin Faarax Diiriye
- Oday Maxamed Nuur Faarax
- Oday Maxamuud aw-Xirsi
- Oday Xasan Maxamed Axmed
- Aqoonyahan Maxamed Aadan Jirde
- Aqoonyahan Ismaaciil Ibraahim Cismaan (Jabiye)
- Aqoonyahan Cali Axmed Kooshin
- Ganacsade Cabdi Cali Kaahin


Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.net