Hargeysa (SLpost)- Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa war-murtiyeed ay maanta soo saareen waxay walaac kaga muujiyeen saamiga haweenka Somaliland laga siiyey Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyaga oo carrabka ku adkeeyey inaanu madaxweynuhu fulin ballan-qaad uu hore ugu sheegay in boqolkiiba 30 xubnaha golihiisa xukuumadda uu haweenka siin doono.
War-murtiyeedka ay soo saareen ururrada Bulshada Rayidka ah waxa lagu xusay in Ururrada Bulshada Rayidka ahi ka niyad-jabsan yihiin sida ay Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muse Biixi uga maqan yihiin Saamigii ay haweenku ku lahaayeen.
Baaqan oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah Anwar Cabdiraxmaan Warsame, isla markaana Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:-
βBAAQ ay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland u dirayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane ;Muuse Biixi Cabdi
Mudane Madaxweyne,
Sida aad ka war qabtid, Haweenka Somaliland waxa ay kaalin muhiim ah kaga jiraan dhismaha dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo Bulshaba ee Jamhuuriyadda Somaliland, Haweenku waa rukunka ugu wayn ee geeddi socodka Dimuqraadiyadda iyo hanaanka doorashooyinka Somaliland, iyaga oo ahΒ codbixiyayaasha ugu badan ee doorashooyinka Somaliland, hase ahaatee, haweenku marnaba kama helin saamigii ay mudnaayeen xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland.
Wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland, waxa Xisbiga Kulmiye ballan qaaday in haddii Xisbigu ma rlabaad talada dalka ku guulaysto uu xukuumaddiisa ka sin doono 30% Haweenka Somaliland.
Sidoo kale, Mudane Madaxweyne waxaad taariikhdu markay ahayd 28/12/2015 saxeexday warqad ballanqaad (CommittmentLetter) oo sumaddeedu tahay XK/XGX/00421/52/2015 oo aad kuΒ caddeynayso inΒ 30% Xukuumadaada aad kasiin doono HaweenkaΒ Somaliland.
Mudane Madaxweyne markii aad talada dalka ku guulaysatay, waxa ay mar kale Dalladda Haweenka ee NAGAAD kuu soo gudbiyeen warqad rasmi ah oo kutaariikhaysan 3/12/2017 Warqaddaa Haweenka Somaliland waxaay kugu xusuusinayeen ballanqaadkii aad samaysay wakhtigii ololaha doorashada. ,
Iyada oo intaas oo ballanqaad ahΓ jirtay, haddana, Mudane, Madaxweyne Golahaagii wasiirada ee aad ku dhawaaqday bishii December 14, 2017, waxa aad haweenka Somaliland ka siisay laba wasiir iyo hal wasiir ku xigeen oo kaliya.
Ka dib markii aad soo saartay liiska Golahaaga Wasiirada, Mudane madaxweyne, Ururada Bulshada rayidka ah ee Somaliland waxa ay 15 January 2018 kulan ay kuugu yimaadeen Madaxtooyada kaaga codsadeen in aad kaalintooda ka siiso haweenka Somaliland Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Qaranka ee aad magacaabi doonto. Nasiib darro, Mudane Madaxweyne waxa aad magacowday 24 Agaasime guud oo aanay wax haween ah ku jirin.
Intaa wixii ka dambeeyay, Mudane Madaxweyne waxaaad soo saartay digreetooyin madaxweyne oo aad ku magacowday masuuliyiin hayβado kala duwan sida Guddoomiyayaasha Gobolada, la taliyayaal Madaxweyne, iyo Guddoomiyayaasha /Agaasimayaasha hayβadaha madaxa banaan ee dawliga ah oo dhamaantood aanay haweenku xaqqoodii ay mudnaayeen ka helin.
Ugu dambayn, taariikhdu markay ahayd 16 bisha October, waxaaad Mudane Madaxweyne soo saartay digreeto Madaxweyne oo aad ku magacowday 19 Xil oo aanay haba-yaraatee waxΒ haween ahΓ ku jirin.
Sidaa awgeed, Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ka niyadjabsan yihiin sida ay Haweenka uga maqan yihiin Xukuumaddaada.
Haddaba, Mudane Madaxweyne, Ururada Bulshada Rayidka ahΓ waxa ay mar kale kuugu baaqayaan in aad Haweenka ka siiso kaalinta ay xaqqa u leeyihiin Xukuumaddaada, adiga oo fulinaya ballan qaadyadii kala dambeeyay ee aad samaysay.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-murtiyeedka SONSAF kaddib markii ay maanta la hadleen saxaafadda.