Nuxurka Khudbad Bogaadin, Dhiirri-gelin iyo Hoga-tusaaleyn xambaarsan oo madaxweyne Biixi u jeediyey Shacabka Reer Oodweyne

0

 

Oodweyne (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyey socdaal uu xaaladda dalka u kuur-galayo ku marayey gobollada dalka, ayaa maanta gaadhay magaalada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, halkaas oo shacabka magaaladaasi si ballaadhan ugu soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha ayaa soo-dhaweyn kaddib xadhigga ka jaray dhismaha xarunta Baanka Dhexe ee Somaliland faraciisa gobolka Daad-madheedh oo dhawaan laga hirgeliyey magaalada Oodweyne, waxaanu halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan xambaarsan oo madaxweynuhu kaga markhaati kacay taariikhda faca-weyn ee degmada Oodweyne ku leedahay dalka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

โ€œWaxa aad diraysaan farriin qarannimo, mid nabadeed, mid walaalnimo oo aad qaranka oo dhan u diraysaan, maadaama oo aannu nahay wefti heer qaran ahna farriintiinnaas, niyad-wanaaggaas iyo horumarkaasย  waannu gaadhsiinaynaa, qarankuna wuu idiinka mahadnaqayaa,” sidas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka la wadaagay isteraatiijiyadda iyo taariikhda faca-weyn ee magaalada Oodweyne leedahay, isaga oo sheegay inay tahay goob muhiimad gaar ah ugu fadhida qaranka.

โ€œOodweyne waxa ay ahayd meel taariikhda Somaliland fac-weyn ku leh, haddii taariikhdii hore ee Somaliland la eegona meel dad taliya oo dadka wax tara oo magac leh Ilaahay ku abuuray taariikho badanna usoo joogtay,โ€ ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Khudbadda Madaxweyne Biixi ka jeediyey magaalada Oodweyne

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net