Hargeysa, 24 January, 2012 (SLpost)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa caawa xaflad ballaadhan u sameeyey wiilkii 48-aad ee uu nasiibkiisu ka badbaadiyey xasuuqii ka dhacay Xeebta Jasiira ee magaalada Muqshisho.
Xafaddan oo loogu sameeyay Hoteel Sumar Time Ee Magaaladda Hargeysa ayaa ka sokow Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), Wasiirka Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Mudanayaal ka tirsan labadda gole, guddoomiyaha hayยดadda NDC Jamaal Caydiid Ibraahim, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis, Boobe Yuusuf Ducaale, Sulaadiin iyo waliba dadweyne kale.
Xafladan ayuu ugu horren ka hadlay aqoonyahan Boobe Yuusuf Ducaaleย oo ka sheegayay qisadii ninkan ka badbaaday xasuuqi Jasiir isagoo arrimaha ka hadlaya waxa uu yidhiย โWaxaynu munaasibadan caawa isugu yimi waxay tahay inankii ka soo hadhay xasuuqii jasiira oo ay tisii dhamaan oo inta 46 nin la ka xeeyay lagu dilay Jasiira oo maanta ka nool yahay. โArrintani waa mid ina xasuusinaysa dhacdo naxdin lehโSidaa ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale oo munaasibada ka hadlay
Isna waxa munaasibada ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ahaa shaqsigii soo qabqabiyey munaasibadan ayaa sheegay in shaqsi ahaan ahayeen laba nin oo noloshu matanaysay โRuntii anagu waxaanu nahay saaxiib si gaara ah ay noloshu u matanaysay oo aanu wakhti dheer aannu soo wada qaadanay.โ Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) waxaanu inta sii raaciyey hadalkiisiiโLaakiinย Cumar waxa uu dalka ka maqnaa wakhti dheer oo mar qudha fursad umu helin in Saxaafaddu ay la kulanto, laakiinย ย in telefoon lagu waraysto mooyee. Runtii Cumar waa ninkii ka badbaaday xasuuqii Jasiira oo wakhtigaas waxaanu wada joognay magaalada Muqdisho oo waxaanu isku ahayn galas mitt oo nolosha ayaa na mataanaysay.โ
Dhinaca kale waxa isna munaasibada hadal kooban ka soo jeediyey Suldaan Ahmed Nuur oo sheegay inay dhibaatada uu ninkani ka soo badbaaday ay la tagtay ragg fara-badan oo maanta loo baahanyahay in taariikhada la xuso โDhibaatadii na soo martay waxay ahayd mid in badan la tagtay ragg uu ka soo hadhay ninkan aynu munaasibada isugu nin si loo xasuusto dhacdooyinkii ku duugan xasuuqii jasiira ee dalka ka dhacay.โAyuu si kooban u yidh Suldaan Ahmed Nuur
Sidoo kale waxa isaguna munaasibada ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay taariikhu tahay laba waji mid nool iyo mid tagtayโDadku markay taariikhda ka sheekaynayaan, waxay ka sheekeeyaan taariikhda wixii tagay. Laakiin maanta waxaynu hayna laba taariikhdii oo tagtay iyo taariikhdiyo nolol.โ Sidaa ayuu yidhi Gudoomiyaha
Waxa munaasibada gebagabadeedii ka hadlay Cumar Muuse Mire oo ka mid ahaa ninkii kaliya ee ka badbaaday xasuuqii ka dhacay jasiira oo ka sheegay sidii uu uga badbaaday dhacdada naxdinta leh โCaawa waxay ii tahay farxad wayn aniga oo jooga dhulkaygii Hooyo, waxan jecelahay inaan caawa aan ka waramo xasuuqii ka dhacay Jasiira waxay ahayd 17kii Julay 1989kii. Markii ay askartu ay noogu soo dhacday gurigii oo waxay ahaayeen shan askari oo ku hubaysanaa qoryaha Akayga ah sita oo waxay ahaydย 1:00ย habeenimo oo waanu hurudnay, markii ay guriga noogu soo daateen waxay nagu khasbeen inaanu guriga furno.โAyuu yidhi Cumar Muuse Mire waxaanu inta sii raaciyey โAnigu markaan maqlay hadalkoodii waan cararay oo waxan galay meel xamaama oo waxa yalay alaab guriga lagu rijiyeeyo oo waxay soo galeen gudihii dabadeed waxay badheen gurigii oo dadkii oo dhan ayey hurdadii ka kiciyeen markaas ayaan is idhi bal eeg aniga oo xamaamkii ku jira dabadeed waxaan lugta ku dhuftay alaabadii rijigu ku jirtay, waxay maqleen saqadhi oo halkii ayay iigu yimadeen oo anigana waxay igu yidhaahdeen dabada u soo bax, markii aan dabada u soo baxay ku ligayo waxay isugu kaayo keeneen guriga daradisii oo waxanu ka koobnayn shan nin iyo afar dumar ah.โ
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net