Natiijooyinka Kulamadii Xiisaha lahaa ee qaar ka mid ah Garoomada Hargeysa

0

Tartan aad u xiis badanย ย oo lagu xusayay bisha barakaysan ee Ramadaan, ayaa shalay ka dhacday garoonka 31- May ee magaalada Hargeysa.

ย Ciyaartan oo dhex-martay labada kooxood ee kala ah Alpha University iyo Horn University, ciyaartaas oo ayย dawaashadeeda ka soo qaybgalay dadweyne tiro-badan, waxaanay ku bilaabantay dardargelinย ย ay labada kooxoodba garoonka la soo galeen oo ay mid waliba kuย ย dedaalaysay inay ta kale kaga hormarto dhanka goolasha.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay kooxdaย Hornย Universityย la timiย ย gool aad u qurux badan oo saxeexay laacibka Iid -yare.Ciyaartaasinaย ย waxa qaybtii hore lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminaysoย ย kooxdaย  Hornย University.

Qaybtii labaad ee ciyaarta markii la isugu soo noqday oo ay koox waliba tababaraheeda la soo tashatay ayaa koox waliba awoodeed ciyaareed ay muujisay, iyada oo dadweynihii ciyaarta ka soo qaybgalay ay aad u sii jeclaysteen daawashadeed. Ciyaartaasina waxay guud ahaanba ku soo gebogabowday 4-0 ay guushu ku raacday kooxdaย HornUniversity.

Dhanka kale, waxay ciyaar aad u xiis badani ku dhexmartay kooxoodaha SMG iyo Goud Motors. Labada kooxood oo soo bandhigay ciyaar ay xamaasadiย ย ku dheehantahay, ayaa waxa ka soo qaybgalay ciyaartaas dawashadeeda dadweyna aad u fara-badan oo dawanaayey ciyaartaas oo aad ugu bogay ciyaarta. Labada kooxoodba waxayย ย soo bandhigeen ciyaar aad u hufanย ย oo ah weerar iyo weerar celis . Ciyaartaasina waxay ku soo gebogabowday guud ahaanba 4-2 ay guushu ku raacda kooxda SMG