Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sarre Oo Shaacisay Imtixaankii Shihaadiga ahaa ee Dugsiyadda Dhaxe iyo Kuwa Sarre Ee Somaliland
Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadda imtixaanka Shahaadiga ahaa ee Fasallada Siddeedaad ee Dugsiyadda Dhaxe, iyo Fasaladda Afraad ee Dugsiyadda Sarre ka dib muddo badan oo wasaaraddu ku mashquul-sanayd sixitaankiisa iyo hubinta wixii caqabado ah ee ka hor iman doona.
Shir jaraa’id oo lagu qabtay xarunta Imtixaanaadka Qaranka oo ay ka soo qayb-galeen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashadda, Guddoomiyaha imtixaanaadka , iyada oo ay xarunta horteedana tubnaayeen boqolaal Qof oo ka mid ah ardeyda dhigta dugsiyadda kuwaasi oo iyaga laftooduna naawilayay natiijada imtixaanaadka ee wasaaradda Waxbarashada.
Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo natiijada yeedhisay ayaa ku dhawaaqday tobankii Arday ee ugu horreeyay Dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sareba iyada oo bogaadisay dedaalka Dheeraadka ah ee ay  Muujiyeen.
Tobanka arday ee ugu sarreeya Dugsiyada Dhexe ayaa kala ah:
No. Dugsiga                      Magaca Ardayda                             Derajada
-  Sh. M. Warsame – Sahra Awciise Jaamac Qaalib (558 ), Maroodi-jeex
-  Geeska Afrika – C/raxmaan Axmed Yuusuf adan  (552) – Togdheer
-  Odey(Sheekh) – Hodon maxamed C/laahi Ciise (543) – Gobolka Saaxil
-  Sh. Cali Cismaan – Barkhad Mustafe Siciid Xirsi     (547) – Maroodi-jeex
-  Sh. M.Warsame – Mawliid Muxumed Hanfi Liibaan (547) – Maroodi-jeex
-  Surad – Ismaaciil Axmed Warsmae Maxamed –  (547) – Gob. Sanaag
-  Abyan – C/naasir C/laahi Faarax ibraahim   (547) – Gobolka Sool
-  Nuraadiin Primary – Maryan Maxamuud Maxamed Cigaal (546)- M/Jeex (Private)
-  Alkheyr – Ubax C/raxmaan Axmed Cabdi     (546) – Maroodi-jeex (Private
-  H.A.A Good – Khaalid Xirsi Maxamed Caddare        (546) – Gobolka Awdal
Tobanka Arday ee ugu sarreeyey Dugsiyada Sare ee Dalka
No. Dugsiga      Magaca                                                        Darajadda
- Ileys –             Nasra Jaamac c/laahi Bulxan                    735 – Maroodi-jeex (Private)
- Nuuradiin      MustafeMaxamed Awcali Cismaan            718 – Maroodi-jeex (Private)
- Ileys                  Muniira Maxamed Axmed C/laahi           717 – Maroodi-jeex (Private)
- 26 June            Xamse Carab Cali Xasan                             691 – Maroodi-jeex (Public)
- 26 June           C/naasir C/ramaan Xaashi Caalin             689 – Maroodi-jeex (Public)
- Ilays                 Muna C/laahi Maxamed Axmed              689 – Maroodi-jeex (Private)
- Bali- Gubadle Xasan Muuse Cismaan Jaani                      686 – Maroodi-jeex (Public)
- Ilays                 Faadumo Maxamed Ismaaciil Cabdi       685 – Maroodi-jeex (Private)
- M.A.Cali          Maxamed Xuseen Maxamed Faarax        679 – Maroodi-jeex (Public)
- Ilays                Nimco Saleebaan Cali Kooshi                    670 – Maroodi-jeex (Private)
Somalilandpost.net
Editor@somalilandpost.net

