Hargeysa, 19 February, 2012 (SLpost)- Markab ganacsi oo ka soo goostay dekedda magaalada Dubia isla markaana ku soo wajahnaa dekedda magaalada Berbera, ayaa laga af-duubayย meel 25 mile dhanka Koonfur Bari u jirta xeebta magaalada Salalah ee dalka Cumaan, sida ay Shaacisay guddiga ilaalinta Maraakiibka ee Geeska Afrika.
Markabkan ganacsi oo lagu magaaabo MV Leila oo ay leedahay shirkadda ganacsi ee New Port Cargo & Shipping ee xarunteedu tahay magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa wararku sheegayaan in la afduubay Maalintii Jimcaha ee shalay, in kasta oo wararka la shaaciyey qaarkood sheegayaan inay budhcad-badeedda Soomaalidu Markabkan haleeleen 16 February wakhtigaas oo uu ku sugnaa goobtii ugu dambaysay ee Juquraafi ahaan lagu ogaa oo ahayd 16.47 Woooyi iyo 56.15 Bari ee xeebta dalka Cumaan.
War qaylo-dhaan ah oo ay soo saartay hayโadda MSCHOA ayaa lagu sheegay: โMarkab Ganacsi oo lagu magaccaabo MV Leila oo sannadkii 2009 kooxda ganacsato ahi dacwad ka gubisay ย isla markaana dhowr bilood shaqaalihiisa lagu hayey magaalada Berbera, waxa warkiisa af-duubka xaqiijiyey ciidamada NATO oo noo sheegay inay budhcad-badeeddu maalintii Khamiista ka afduubeen xeebta dalka Cumaan isaga oo ka yimi dekedda magaalada Dubia.โ

Hayโadda la socodka Maraakiibta Geeska Afrika (MSCHOA) waxay sheegtay in Markabkani aanu u diiwaan-gashanayn, sidaa awgeed aan la aqoonsan karin dadka saaraan iyo Alaabta uu sido.
โAnnaga oo helnay xajmiga iyo Qiimaha uu Markabku ku fadhiyo, waxaanu qiimaynay in markabkani u muuqdo mid loo isticmaali Afduubka maraakiibta kale, balse aan looga dan lahayn in laga qaato maddax-furasho,โ ayaa ka mid ah shaacinta warka khuseeya Afduubka Markabka ee lagu sheegay qaylo-dhaanka hayโadda MSCHOA.
Maaha markii ugu horreysay ee budhcad-badeeddaa Soomaalidu ay af-duubeen markab ganacsi oo u raran ganacsato Soomaali ah, waxaana ugu dambaysay Markab noocaย Shiidaalka qaada oo ku soo wajahnaa dekedda magaalada Berbera kaas oo markii dambe ganacsatii isla lahayd loo sii daayey ka dib markii waan-waan iyo wada-xaajood ay ka qayb-qaateen madax-dhaqameedka iyo Ganacsatada Dalka Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
QAYLO-DHAANTII UGU HORREYSAY
Waxa jira warar is khilaafsan oo sheegay goobta iyo taariikhda saxda ah ee afduubka markabta, iyada oo xarunta la socodka maraakiibta ee NATOย sheegayso in markabka la qabsaday maalintii Jimcaha ee 17 February, haddana waxa jira warar kale oo sheegaya in 16-kii bisha laga afduubay xeebkta magaalada Sadh oo Bari ka xigtaย magaalada Salalah ee dalka Cumaan.
Wakhtigan Xaadirka ah, lama aqoonsan magaca Markabka la afduubay. Ilaha wararka laga helay qaarkood ayaa sheegagya inuu yahay markab nooca Saliidda qaada oo laga leeyahay dalka Jarmalka.
SOMALILANDPOST NEWS
webmaster@somalilandpost.net