Hargeysa(SLpost) – Dr.Maxamed Cali oo ah masuul u tartami doona musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa manta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaaalda Hargeysa.
Masuulkan ayaa waxaa madaarka caasimada Hargeysa ku soo dhaweeyey masuulyiinta sarsare oo ka tirsan xisbiga waddani , dhalinyaro , haween iyo Dadweyne kale .
Musharax Dr.Maxamed Cali oo warbaahinta kula Hadley madaarka ayaa waxaa uu ugu horeyn u mahad naqay dadka sida diiran ugu soo dhaweeyeyΒ Β magaalada Hargeysa waxaana uu si rasami ah uga sanqadhiyey in uu yahay musharax u taagan jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani marka la gaadho shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga waddani oo dhawaan la qaban doonoΒ isaga oo arimahaas ka hadlayana waxaa uu yidhi β waxaa aan ugu horeyn aan u mahad naqayaa dadka sida diiran ugu soo dhaweeyey madaarka caasimada hargeysa.
Waxaa aan jecelahay in aan maanta halkan ka cadeeyo in aan ahay musharax u taagan jagada madaxweyne ku xigeen ee xisbiga mucaaridka ah ee waddani marka la gaadho shirka golaha dhexe ee xisbigaasi oo dhawaan la qaban doonβ ayuu yidhi .
sidoo kale isaga oo ka hadlaya sida uu u arko mushariinta la tartamaya ayaa waxaa uu yidhi β waxaa jagadan igula tartamaya musharaxiin kala duwan oo uu ka mid yahay walalkay Axmed Muumin Seed dee waa la tartamayaa hadii tartanka la iga badiyo waan soo dhaweynayaaβ ayuu Yidhiβ.
Sido Kale Dr.Maxamed Cali Hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hambalyeeyay Jabhadii Suldaan wabar oo isasoo dhibatay Waxana Yidhi β xogaa xagan Galbeedka waxa ka jirtay dhaqdhaqaaq uu hogaaminaayeey Suldaan Wabar waxan maqlay in ay isasoo dhibeen waan hambalyeeynayaa Ayuu Yidhiβ.
Gabagabadii waxa uu Dr.Maxamed Cali Qado sharaf ugu Sameeyay huteel Dalxiis Ee Magaalada Hargeysa dadweynihii soo dhaweeyey waxaana uu uga mahadnaqay sidii ay u soo dhaweyeen .
Somalilandpost. Hargeysa Office