
Waa maalin Sabti ah. Goor sheegtu waxay tilmaamaysaa sagaalkii subaxnimo. Waxaan ku suganahay barxadda hore ee Dawlada hoose ee magaalada Gabiley,ย waxaan diyaar u nahayย in aan ka qayb galno xaflad lagu qabanayo hoolka shirarka golaha deegaanka gabiley waxaanu nahay dhawr qof oo rayida iyo aniga oo ka mida bahda saxaafadaย waxaanu mar kaliya wada daymoonay oday si wayn uga muuqato astaamihii lagu yaqaanay culimada soomaaliyeedย waxaa indhahayaga soo jiitay kitaabka marada maxamuudiga ahi ku shaqlantahay rixligii tusbaxii madoobaha la odhan jiray oo qoorta u sudhan waji furan oo sujuudu iftiimayso waxuu nagu salaamay salaanta islaamka anagunaย waanu u celinay waxuu na waydiiyay ma raga meeshan xukumaad tihiin waxaan ugu jawaabnayย mayee sheikh ma nihinย mar labaad ayuu na waydiiyay ma taqaanaan afarta arimood ee maamulka wadkiisa ah . mayee sheekh garan maynee noo sheeg ayaanu nidhi waa afartaa arimoode ka fogaada
1.Qabiil Waa Magacoo Maamulkuu Dumiyaaye Maskaxdiina Ka Saara,.
2.Musuqoo La Wadaagaa Maamulkuu La Dagaayeย Midigtiina U Diida..
3.Laaluushkood Shaqo Moodo Maamulku Wuu Ku Mamaaye Manfaciisa Ha Doonin..
4.Sharcigoo La Mulaaqaaย Cadaaladuu Murgiyaaye Haba Moodin Nasteexo
Mar kale ayuu sheekhii na waydiiyay ma taqaanaan labada arimood ee maamulka dawliga ahi ku margado .sheekh garan maynee noo sheeg ayaan ugu jawaabnay waan idin sheegiye ka fogaada ayuu noogu jawaabay isagoo sheekhu labadii arimood ku sheegay
1.Masโuul Xilka Uun Ku Mabsuuduu Awoodiisu U Muuqan Maamulku Wuu Ku Margadaa
2.Masโuul Aan U Shaqaynin Dadkiisaย Mushaharkoodana Quuta Maamulku Wuu Ku Margadaa.
Markuu xikmadaa noo sheegay intuu salaantii islaamka nagu sii salaamay ayuu naga dhaqaaqay iswadiinay sheekhii garana waynayย waxaan isla qaadanay aniga iyo afartii dhalinyarada in uu ahaa wali na sooย booqdayย iyadoo magaalada gabiley caan ku ahaan jirtay culimo badan xadrooyinka cilmiga diinta lagu akhriyo maalintaas dabadeed waxaa igu dhalatay in aan ku qiimeeyoย xikmadaa sheekha aan ka korodhsanay oo aan muuqaalka masโuuliyiinta maamula guud ahaan gobolka gabiley madax meel ka saraysoo lataabtaa ma jirteeย masโuuliyiinta gobolka gabiley ee uu hogaamiyo badhasaabkuย ayaan miisaanka saaray waxaa lgu sifayn karaa maamul lagu margadayย anigoo ku qiimaynaya hab dhaqankooda iyo awooda sharciyeed ee xeerku siiyayย ย iyagoon uwar haynba (waxaan ku qiimayn karnaa xikmada sheekha ee odhanaysa masโuuliyiin xilka uun ku mabsuudoo awoodoodu u muuqan) mar kale waxaa xusid mudan dhamaan wasaaradaha ka hawl gala gobolka gabiley ayaa lagu tilmaami karaa kuwo fadhiid ah oo shaqsiyaad mulkiyeen kadib markii isu duwayaasha wasaaraduhu qaarkood intii dalka la soo galaybaย ay maamulkooda gacanta ugu jiraan shaqsi kaliyaย waa wassarada bee rahee halka laamaha wasaaradaha qaarkoodย ay guruubyo u heshiiyeen iyadoo masโuulkii ugu sareeyayna ka door biday dhakhtarkiisa gaark ah uleeyahay waa wasaarada caafimaadkee wasaarada kaliya ee adeeg toosa u fulisa dadwaynuhu ay ka tahay wasaarada waxbarashadaย waxaan ku qiimaynkarnaa laamaha wasaaradaha eek u sugan gobolka gabiley xikmadaย sheekha ee odhanaysa (masโuuliyiin aan u shaqaynin dalkooda mushaharkoodana quuta) mar kaleย ayaan qiimeeyay maamulka dawlada hoose ee ay hogaanka u hayaan golaha deegaanka dagmada gabiley mudada ay hogaanka hayeena tahay toban sano waxaa ku gadaaman oo isku xeeray afarta maamulka wadkiisa ah malagan maamulka ayaa la odhan karaaย waxuu deegaan ku yahay ama uu dagan yahayย xarunta dawlada hoose masโuul kastaana markuu xilka la wareego ayuu wadkaasi la kulmaaย oo sharaf dhac karaamo dhac kala taga waxaan ku qiimayn karnaaย xikmadaa sheekhu nagu soo kordhiyay (qabiil waa magacoo maamulkuu dumiyaaye maskaxdiina ka saara) musuqoo la wadaagaa maamulkuu la dagaaye midigtiina ka dhawrta .laaluushkood shaqo moodo maamulku wuu ku mamaaye manaafacaadkiisa ha doonin. Sharcigoo la mulaaqo cadaaladuuย murgiyaaye haba moodin nasteexo.
Ugu danbayn miisaanka awoodeed is bar-bar dhigii aan ku sameeyay dhamaan masโuuliyiinta gobolka gabiley anigoo qiimeeyay awooda siyaasadeed,dhaqaale,tix galinta maamulka hoos yimaada iyo cadadka shaqaalaha uu xukumo waxaa ii soo baxday badhasaabka gobolka gabiley in la bar-bar dhigi karo gudoomiyaha dagmada tog wajaale halka badhasaab ku xigeenka la bar-bar dhigi karo gudoomiyaha dagmada alay-baday xog hayaha gobolka gabileyna la bar-bar dhigi karo agaasime waaxeedyada dawlada hoose ee degmada gabileyย iyadoo xurmayn laโaanta sharciga iyo kaladambayta iyo macaamilkaย xeer jajabku ka dhigay maah maahda odhanaysa (food saar daba saar loo celi )mar kale waxaan xasuusin lahaa maamulka gobolka gabiley maah maahda odhanaysa nin aan hadlinย hooyadii qadisay masโuuliyiinta awoodu gacantooda ku ururtayna waxaa kaalinta koowaad haysta maayarka dagmada gabiley halka maamulka kastamka kala-baydh ay kaalinta labaad ku jiraan kaalinta sadexaadna ay ku jiro xoghayaha dawlada hoose ee gabiley halka ay kaalinta afraadna maamulaha bangigu ku loolamayo kaalinta shanaadna ay ku jiraan xisaabiyaha gobolka ย halka kaalinta lixaadna ay ku jiraan mudanayaasha golaha deegaanka qaarkood oo ah laba iyo tobankii maayarka cusub caleemo saaray halka kaalinta todobaadna uu xisaabiyaha dagmada gabiley oo ah masโuulka ay soo maraan foojaradu uu ku loolamayo.waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkaygan miyaan la gaadhin waqtigii la karaamayn lahaa maamulka gobolkii kontonka sanadood loo ordayay
Suxifiย sacad maxamuud gadhle
Gabiley, Somaliland