MUUQAAL: Mudaharaad Saaka Ka Dhacay Berbera

0

Berbera(SLpost)-Mudaharaad Kooban ย oo lagaga soo horjeedo Wareejinta Hamaha Shidaalka Berbera oo ย Xukumada Madaxweyne Silaanyo ay dhawan ku wareejisay Shirkado Ganacsi oo gaar loo leeyahay ayaa Maanta ย Ka Dhacay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil. Mudaharaadkan oo aanay warbaahinta gobolka joogtaa si xor ah u baahin kareyn, kadib culays iyo xadhig joogta ah oo xukuumadu ku haysay bilihii u dambeeyey, ayaa ย ka bilaabmay afaafka hore ee dugsiga sare ee Bursade ee magaalada Berbera,waxaana ย uu ahaa mid Banaanbaxayaashu ay ku gubayeen Taayiro.

Ciidamada Amaanka ayaa Soo gaadhey Goobtii uu Mudaharaadku ka socda, kuwaas oo ku guuleystay inay Bakhtiiyaan Taayiradii islamarkaasina kale ka xeeyaan Dadkii halkaasi isugu soo baxay.

Haddaba, Fadlan xagan hoose ka daawo muuqaalka kaliya ee laga qabtay mudahraadkaa: