Hargeysa (SLpost)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xukuumadda talada haysa ee xisbiga Kulmiye dalka u horseedayso arrimo waxyeello u geysanaya ammaanka, dhaqaalaha iyo karaamada dalka.
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu Xukuumadda ku dhaliilay inay waxba ka qaban-kari laβdahay isla markaana ay dayacday dhoofka Xoolaha Nool, isaga oo wasaaradda Xannaannada Xoolaha ku eedeeyey xil-gudasho laβaan la xidhiidha hawlihii ay qaranka ugu qaabilsanayd ilaalinta tayada caafimaad ee xoolaha dalka ka dhoofaya.