Berbera, (SLpost)- Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Dhego-weyne iyo Xidhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mida Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland oo laga soo doortay Gobolka Saaxil ayaa xukuumadda ku dhaliilay doorkeeda iyo kaalinta ay ku qaabbishay shirka beesha Ciise Muuse uga Socday deegaanka Dubur isla markaana goโaanka qabsoomidda shirka ku sababeeyey dib-u-dhac ku yimi horumarka gobolka Saaxil ee ay ka soo jeedaan.
HOOS KA DAAWO KHUDBADIHII SHIRKA
Labadan xubnood oo miisaan weyn ku leh gobolka Saaxil kana qayb-galay shirka Dubur waxay xukuumadda ku eedeeyeen inay dhaqaale u adeegsatay burburinta iyo weliba baajinta shirka Dubur.
Xildhibaan Maxamed Faarax oo ka hadlaya xarunta uu shirku ka socdo ayaa tilmaamay doorka wax-soor saarka dhaqaale ee magaalada Berbera iyo sida ay uga qatan tahay, isaga oo tan ka hadlayana waxa uu yidhi, โ2009-kii Saxaafada Caalamka ee qiimaysa Dhaqaalaha Bulshooyinka Caalamka ku nool Berbera waxay ku tilmaameen Maagalo Xeeb ku taala aduunka tiiย ugu fiqiirsanayd Caalamka xataa marka lagu daroย Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo Dagaalku markaa ka socday, dib u dhaca intaasi leeg ayuu kulankani ku yimi, waynu ognahay dhalinyaradeenii inta Tahriibta kaga tagtay dalka, soddon jirkuna wali waa ku marti dalka. Waayo anigu markii aan 26 Jirka ahaa laba carruurana waan lahaa Jaamicina waan ahaa, waxaanan ahaa qof shaqaysanaya maanta qiimaynta intaasi leโeg ma laha, markaa dhibaatooyinka intaasi leeg ayay ka soo gurmadeen dadku, waxaanu ahaa mid kor loogu qaadayo deegaamada degto beeshu oo laysugu keenay naf iyo maal wixii la hayay.”
Xidhibaanku waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi,ย โMarkaanu aragnay shirka ka soo baahayay Warbaahinta Xukuumadda, ee ku baxayay Dhaqaalaha Xukuumadda ee ay ku hawlanaayeen hawl-wadeenadeedii hoose, annagu maanta anigoo ka tirsan Golayaasha Heer qaran ee wakiilka ka ahaa beelahan shiraya waxaan garwaaqsaday inuu gaf dhacay, maanta waxa halkan inaga goโaan ah Garnaqsi ceeb laโ oo adag oo aynu u marayno qawaaniinta iyo Xeerarka Somaliland, waxaanan leenahay cidina inama khasbi karto cidina shir inagama joojin karto.โ ayuu yidhi Qabile
Sidoo kale, Muj. Ibraahim Cabdilahi (Dhego-weyne) oo ka hadlay Madasha shirka Dubur ka socdo ayaa si adag ula hadlay Madaxda Dawlada Somaliland, taasoo uu sheegay inay khal-khal gelinayaan shirka Beeshiisa ugaย socda Dubur shaqaalaha dawladda ee gobolka ka soo jeeda.
Mujaahid Dhego-weyne waxa uu sidoo kaleย Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shireย oo Xukuumadda Shirkaasi uga qayb galay ugu baaqay inuu iska Casilo xilka uu hayo, maadaama la Ixtiraami waayay shirkan ay beeshiisu qabsanayso ee lagu Bur-burinayo Maaliyadii Dawlada, waxaanu yidhi โDadka intaa leeg ee Madaxdhaqameedkii leh, ee Cuqaashii leh, ee Ganacsatadii leh, Culimadii leh Odayaashii leh oo Wasiirkiina dhex fadhiyo ayaa laga xishoon waayayoo, marba afar qof naloo soo dirayaayoo, shir uunbaa nalaga garab furayaa, Maaliyadii Dawladana waa nalugu garab gashanayaa, markaa saw dadkan lagu qasbi maayo inay dhanka kale u wareegaan, miyaanay Mucaarid noqda ahaynโ.
Ibraahim Dhego-weyne waxa uu muujiyey dareenkiisa ku aaddan sida uu ula yaabban yahay masuuliyiinta xukuumadda ee ka soo hor-jeeda Shirka DUBUR, isagoo waliba Sacad Cali Shire, wasiirka Qorsheynta, ugu baaqay inuu iska casilo xilka uu xukuumadda ka hayo.
Somalilandpost.net
Contact@somalilandpost.net