(SLPOST)Xoghayaha guud ee golaha midowga Kubada Cagta oo isaga loogu noqdo meel marinta sharciyada dhanka ciyaaraha calamka ayaa si rasmi ah waxa uu u meel mariyay in xijaabka iyo cimaamada lagu ciyaari karo kubada cagta.
Jerum Falkeh ayaa hadalkaasi ka hor sheegay kulan ay jimcayada loo dhan yahay ay iskugu Β yimaadeen waxana dib loo eegay qodobka 128 ee taariikhda golahaasi waxana lagu meel mariyay in laacibinta kubada cagtaΒ ee haweenka ay xidhan karaan xijaabka waxana raga sidoo kale loo ogolaaday in cimaamado ay ku ciyaari karaan.
Maamulka kubada cagta ayaa waxa ay diiden sanadii 2012 xirashada xijaanka iyagoona xujo ka dhigay suurta galnimada in lagu dhawaco tusaale in lagu suuryeeyo xijaabka ay gashan yihiin.
Golaha ayaa hada qadhaadhkani meel mariyay waxana la tijaabin doonan 2-sannadood ee soo socota waana dalab ka yimid midowga Asia ee kubada cagta.