Hargeysa, (SLpost)- War uu soo saaray Midawga Yurub ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub iyo hayβadaha la shaqeeya, cusbitaalka guud ee Hargeysa, xafiiska qaramada midoobay ee adeegyadda mashaariicda (UNOPS) iyo Terre Solidali ay daah fureen Nidaamka lagu diiwaangelinayo bukaanka cusbitaalka guud ee Hargeysa.
Mashruucan oo ay ku baxday illaa 1.5 Milyan oo EURO ayaa ujeedadiisu tahay in sare loogu qaado xaaladda caafimaad ee bukaanka iyo dadka kale ee isticmaala dhakhtarka, iyadoo kor loo qaadayo waxtarka, adeegga, tayada, iyo joogtaynta adeegyadda cusbitaalka Hargeysa.
Isticmaalka nidaamka casriga ah ee faraha sawiraya ayaa wuxuu sahlayaa in la helo xogta bukaanka ee waaxyaha caafimaadka iyo ka faaβiidaysiga bukaanka ee adeegyadda dhakhtarka.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Midawga Yurub ayaa lagu sheegay in nidaamkan cusubi uu qayb ka yahay mashruuca guud ee midawga Yurub ugu talo galay inuu ku caawiyo cusbitaalka guud magaalada Hargeysa, kaasoo ay ku jiraan nashqadaha kaabayaasha cusbitaalka, iibinta qalabka dhakhtarka iyo sidoo kale dhisidda awoodda dhinaca maamulka iyo xisaabaadka.
Somalilandpost.net