Israel oo 161 Masaajid ku burburisay Gaza
London (SLpost)- Waxa isa soo taraya cadaadisyada Caalamiga ah ee dawladda Yuhuudda kaga imanaya waddamo badan oo xidhiidh dibloomaasiyadeed iyo mid ganacsi ka dhexeeyey, kuwaas oo ka gubtay ficillada baniโaadamnimada ka baxsan ee Ciidamada Israaโiil ku hayaan Shacabka Falastiin ee ku dhaqan Marinka Gaza.
Waddamada qaarkood ayaa xidhiidhka dibloomasiyadeed u gooyey Israaโiil isla markaana kala baxay magaalada Tel Aviv Safiirradii u fadhiyey, halka qaarkoodna ay u jareen xidhiidho ganacsi oo ka dhexeeyey.
Shan Waddan oo ku yaala Qaaradda Latin Amerika, ayaa xidhiidhka Dibloomasiyadeed u gooyey Dawladda Yuhuudda, kuwaas oo kala ah Brazil, Chile, Ecuador, El Salvador iyo Peru oo dhammaantood safiirradooda uga yeedhay dalka Israel.
Waddanka Spain ee Koonfurta qaaradda Yurub ku yaala, ayaa joojiyey dhammaan farsamadii dhinaca Hubka iyo saanadda milatari ee ay ka iibin jireen dawladda Israaโiil, sababo la xidhiidha dagaalka axmaqnimada leh ee ka dhacay Gaza, kaas oo galaaftay nolosha shacab badan oo reer Falastiin ah.
Sida ay qortay jariiradda El Pais, goโaanka dawladda Spain gaadhay oo ah mid siyaasadeed ayaa ka soo baxay kulan ay isugu yimaaddeen guddi ka kooban madaxweynaha, Waax Maaliyadda, Wasaaradaha Ganacsiga, Arrimaha Dibadda iyo Gaashaan-dhigga.
Sida wargeyska baahiyey, dalka Spain, waxa uu ka iibiyey Israaโiil sannadkii hore Saanad-milatari oo qiimaheedu dhan tahay 5 Milyan oo Yuuro.
Goโaanka dawladda Spain ku joojisay xidhiidhka ganacsi ee dhinaca Hubka ay la lahayd Israel, ayaa ku soo beegmay saacado yar ka dib markii ay dawladda Ingiriiska shaacisay inay ka fiirsanayso heshiis hubka iyo farsamada milatariga ah oo ay ka iibiyaan Israel.
Afhayeen u hadlay dawladda Ingiriiska, ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan ogolaanshiyaha lagu fasaxay Agabka milatari ee loo dhoofiyo dalka Israel, waxaanu tan ku sababeeyey mid lagaga jawaabayo hawl-gallada milatari ee Israel ka fulinayso Gaza.
Masaajiddo la burburiyey
Wasaarada Awqaafta ee dawladda Falastiin, ayaa shaaca ka qaaddatay inay Israaโiil duqeymo cirka, dhulka iyo badda ah ku burburisay 161 masaajid oo ku yaala Marinka Qaza ee dhulka Falastiin.
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta ee Falastiin Yousef Dois, ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Israaโiil ay dhulka la simeen 41 masaajid halka 120 ka kalena qaybo ka mid ah la buburiyey muddadii ay ciidamada Yuhuudda hawl-galka Milatari ka wadeen Marinka Gaza oo sidoo kale lagu bartilmaameedaday goobo badan oo Diimeed.
Wasiirku waxa uu sheegay inay Israaโiil uga faaโidaysanayso iyada oo ka war-haysa in dunida oo dhami isha ku hayso Gaza isla markaana ay u isticmaalay sidii ay uga joojin lahayd Muslimiinta doonaya inay ku cibaadaystaan Masjidul-Aqsa.
SOMALILANDPOST.NET