Addis-Ababa (SLposta)-Dadweyneย Etoobiyaan ah oo aad u murugeysan ayaa isugu soo baxay banaanka hore ee garoonka diyaaradaha Addis-Ababa ee dalka Itoobiya halkaasi oo laga soo dejiyey Meydka Raโiisul Wasaarihii Itoobiya Attow Meles Zenewi.
Zenawi meydiiska oo ku jiray Naxash oo lagu soo duubay calanka dalka Itoobiya ayaa diyaarad gaar ah looga soo dejiyey garoonka Diyaaradaha ee Addis-Ababa.
Kumanaan dad Itoobiyaan ah oo ka murugeysan dhimashada Malez ayaa lagu arkayey Magaalada Addis-Ababaย ee dalka Itoobiya.
Malez Zenewi ayaa ahaa masuulka ugu sareeyo dalka Itoobiya islamarkaana si weyn ugu muuqday qaaradda Afrika waxa waxaanuย dhintayย isagoo daโdiisu tahay 57 sanno.
Melez Zenewi ayaa waxa uu ahaa nin aad ugu fekirayey aayaha shacabka Itoobiya waxaana sidoo kale uu ahaa nin goโaan adag leh oo ka dhex muuqday fadhiyada Midowga Africa ee ka dhacayey Magaalada Addis-Ababa.
S ikastaba Malez Zenawi ayaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Belguimka halkaasi uu la jiifay xanuun ka dhashay infection ka galay Caloosha.