Berbera (SLpost)- Agagaarka Xeeliga badda ee Dekedda magaalada Berbera, ayaa habeen hore laga dhex-helay Meydka nin aan haybtiisa la aqoonsan, sida uu xaqiijiyey Taliyaha Saldhigga Booliska Dekeeda Maxamed Dacar Ibraahim.
Taliyaha oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlay, ayaa sheegayย in maydka ninkaas oo ku soo caaryay xeelliga dekadda aan ilaa hadda la aqoonsan diirka oo ka muldhaday awgeed, isla markaana loo malaynayo in uu dhawr habeen badda ku jiray.
Taliyuhu waxa uu sheegay in maydka ninkan ay ciidamadda ilaalada dekedu arkeen habeen hore isaga oo ay biyaha baddu meel cidhiidhi ah oo dekedda ka mid ah ku rideen isla markaana markii dambe lagu soo saaray laashash loo dalbaday.
Ninkan maydka ah ayaa sida uu taliyuhu sheegay la geeyay cusbitaalka magaalada Berbera, waxaanu intaasi ku daray taliye Dacar in ciidamada boolisku ay baadhitaan ku samaynayaan maydkaasi laga helay isagooย dul sabayna meel ku taala biyaha dekedda Berbera.
โNinkaasi maydka ahaa oo soo caaryay oo ay baddu soo tuftay oo diirkii ka muldhaladay oo aanu u malaynayno in uu bada dhawr habeen ku jiray, xalay baa la helay xiliย waa-ku-dhawaadkii ah, isaga oo meel cidhiidhi ah oo dekedda kooneheeda ah ay baddu soogelisay, saaka subaxnimadi ayaana la soo saaray oo laashash loo dalbaday,โ ayuu yidhi Taliyuhu
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, โWelina lama aqoonsan cid uu yahay qofkaasi maydka ah, diirka ayaa ka muldhaday, cusbitaalka ayaa la geeyay baadhista ayaana lagu samaynayaa CID-da ayaana baadhaysa, Lama garan karo inuu Soomaali ahaa iyo in uu ajnabi kale ahaa, waayo wax diir ah oo ku hadhay ma jiro, in uu midabkiisu casaan ama madaw ahaa lama garan karo oo uu is beddelay, oo aad ayuu u yaraaday, markaa lama garan karo, Badu inta badan dadka waxay ka keentaa wixii xagga Bari kaga dhaca ayay eeriyada ka soo caaridsiisaa, Markaa in uu qof waalan ahaa iyo in kale lama oga,โ ayuu yidhi Taliyuhu.
Somalilandpost.net.