Maxay ka wada-hadleen Xisbiga Kulmiye iyo Ergayga Finland u qaabilsan Geeska Afrika?

0

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Ergayga gaarka ah ee dalwadda Finland u soo magacowday Gobolka Geeska Afrika Mudane Suldaan Siciid Axmed.

Kulanka oo uu guddoominayey Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, kuna wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), guddoomiye-ku-xigeenka afraad ee xisbiga KULMIYE, mudane Maxamuud Xasan Sacad (saajin), Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan Guddiga Fulinta, Xoghayaha Garabka Haweenka Marwo Sahra Saleebaan Cawil, xubno Wasiirro iyo siyaasiyiin kale, waxa ay Ergeyga dawladda Finland iska xog-waraysteen ujeeddada socdaalkiisa iyo xaaladaha kala duwan ee ka jira dalka Somaliland.

Ergayga dawladda Finland ee Geeska Afrika Suldaan Siciid Axmed oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isla markaana ay wehelinaysay Cawo Axmed oo ka tirsan safaaradda Finland ee Nairobi, waxa uu sheegay inuu danaynayo isagoo ka wakiil ah Midowga Yurub inuu dhexdhexaadin ka galo khilaafka arrimaha doorashooyinka ee ka jira Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee Kulmiye.

Warku waxa uu intaas ku daray in madaxda xisbiga KULMIYE faahfaahin uga bixiyeen ergayga arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo qodobada ay isku hayaan xisbiyada mucaaradka ah, waxay u caddeeyeen Ergayga Finland in ay mar walba diyaar u yihiin wadahadal iyo wax kasta oo lagu xallin karo khilaafka waqtigan taagan, iyagoo carrabka ku adkeeyey in Madaxweynaha Qaranka, ahna hoggaamiyaha xisbiga KULMIYE Mudane, Muuse Biixi Cabdi uu hore iyo dambaysaba gogol wadahadal u dhigay walaalahooda mucaaradka.