Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii ugu horreeyey Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa naqdiyey buug uu dhawaan soo bandhigay wasirkii Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaasย oo uu ugu magac-daray MIYIGA ilaa MADAXTOOYADA.
Maxamed Xaashi Cilmiย oo maanta u warramay Eryal Tv, waxa uu beeniyey Arrimo uu Mr Xirsi kaga hadlay buuggiisa oo ku saabsan Maxamed Xaashi xilligii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda, isagoo been abuur ku tilmaamay waxyaabaha uu ku soo qaatay buuggaas ee isaga ku saabsan.
Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose
Maxamed Xaashi Cilmi ayaa noqonaya masuulkii labaad ee ay xukuumaddaas ka wada-tirsanaayeen, buuggiisa uu ku xusay Mr Xirsi ee Been-abuur ku tilmaama buuggaas.
Sidoo kale, waxa buugga ka hadlay Maxamuud Xaashi oo xilligaas ahaa wasiirka Duulista iyo Hawada ka hor intii aanu noqon wasiirka Madaxttooda kaddib markii xilkaas laga qaaday Xirsi Cali Xaaji Xasan.