Hargaysa(SLpost)-Idaacadda Codka Maraykanka(VOA) ayaa maalmihii u dambeeyay hawada ka maqan, kadib markii sida la sheegay in FM-teeda Hargeysa oo taalay wasaaradda warfaafinta hawada laga saaray.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse oo shalay arrintan ka hadlayay ayaa Idaacadda ku eedeeyay edeb darro iyo inay ka baxday heshiiska u dhexeeyay Somaliland, balse muu caddayn halka rasmiga ah ee laga raacay Idaacaddan.
Haddaba badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo suxufina ahaan jiray, ayaa sheegay in Idaacadda loo haysto qorshe ay waddo oo gudahaย Somaliland ay uga qoranayso Wariyeyaal qorshahoodu yihiin inay kala qaybiyaan bulshada Somaliland, islamarkaana ka soo horjeeda qaddiyadda.
Shiine isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi โWaxa jirta in ninka ka masuulka ah Idaacada VOA-da ee Yabarow la yidhaah uu dalka Jabouti ka bilaabay tababar uu isugu keenay dhalin yaro wariyayaal ah oo uu sheegay inuu u qoraayo Gobolada Buuhoodle, Sool iyo Awdal oo u diyaarinaayo sidii ay u kala qaybin lahaayeen shacabka reer Somaliland oo ummadda walaalaha ah loogu kala beeri lahaa naxli iyo cuqdadโ
Haddaba kolkii ay arrintaasi soo if baxday waxa Wasiirka wasaarada wardaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo rugcadaa saxaafiya ahi uu qaaday tallaabo lagaga hortagaayo qorshaha guracan ee uu wado Yabarow, taasi oo ah in hawada laga saaro FMtii uu tiilay dalkan Jamhuuriyada Somaliland.
โWaana tallaabo horey loo qaaday oo ka duwaysa jidka cadowga qarsoon ee duulaanka ku ah dalkeenna,โ ayuu yidhi Mustafe Shiine oo bartiisa facebook arrintan kaga hadlay.
Shirka Jaraaโid ee uu Shalay Wasiir Cukuse Ka Qabtay Arrintan
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo shalay Saxaafadda uga waramayey dhawr arrimood ugana Jawaabay suโaalo ku saabsan xadhigii qaar ka mid ah Fannaaniinta Xidigaha Geeska,iyo arrimo kale, ayaa ka warbixiyey sababta hawada looga saaray idaacaddan
Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo wax laga waydiiyey dacayaado ay idaacada VOA laanteeda afka somaligu ku samaysay Somaliland ayaa waxa uu kaga Jawaabay โWaxaan kaaga Marakacayaa in Idaacadda VOA-du khaladaad faro badan ay ilaa iminka ay inagu samaysay,Laakiin Masโuuliyad-baynu haynaa Markaad dhinacyo heshiis la gasho, Dawladnimada iyo Masโuuliyadda ayey qayb ka tahay inaad heshiiskaas ixtiraamto,dhinaca kale marka uu ixtiraami waayo inaad adigu goโaankii uu heshiiskaasi kuu fasaxayey iyo Xeerarka dalku inaad talaabo qaado waa wax Meesha kuu yaala,Laakiinse Waxaan kula dareemayaa Shacbiga Feedback (Falcelinta) nagaga soo noqday dhagaysiga VOA ma Fiicna Maalmahan, anagana Masโuuliyad-baa naga saaraan inaanu ka Jawaabnoโ.