Qoraal gaaban iyo in yar oo sifooyon ah wata ย oo lagu xasuusto 18may oo maalin tii qaranimadeena aynu dib ugu soo noqonay kana soo goosanay hungadii aynu ka qaadnay umada kale ee walaala heen ahย iyo waxaynu kala kulanay jibadii 60-kiiย iyo dhibkii inaga gaadhay ee aynu gobanimadii aynu ka qaadanayย UKย aynu ku gaynay xamar sidii laynoo galay taasi oo ay sabab u ahayd jaclka iyo walaaltino qalbigeena k jirtay lkn sidaynu la jaclaanay ma aysan yeelin
Waxaa tilmaamleh in madaxawaynaha jamhuuridayda Somaliland mudane ahmed maxamed maxamuud aadan (siilanyo) in uu sameeyey ciid wayn oo aan hore loo samayn taasi oo uu maalinta qaranimada soomaliland ka dhigay mid dadkoo dhan iskugu soo baxanaan aadna ugu wayn kuwii ay qaban jireen madaxwayne yaashii hore 18 may waxay noqotay maalin ciid u ah qof yar iyo qafwayn islaan iyo oday waxaanu ka dhigay calanka jamuhuuriyada Somaliland calan qaaradaha dunida lagu sameeyo waxanu ka dhigay mid ka lusha wadankasta iyo magaalo kasta lixda qaaradood ee dunida
Waxaa uu sameeyay dadka shaqeeya dabaaldaga 18mayย waxaa uu magacaabaaa sanadkasta xubno wasiiro iyo kuxigeeno iyo agaasimayaalba iskugu jira kuwaasi oo kashqeeyaa maalintaas maalintaas oo ka waynaatay noqotayna maalin aad u balaadhanย waayo waxaa ay geelatay gudoomiye yaala iso wasiiro waxaanay ka wayntahay dabaaldagyadii hore ee ay dhigi jiree madaxwaynayaashii hore
Waxaa muuqata hadii aad aragto magaalooyinka Somaliland maalinta 18 May dharaaraha ka horeeya suuqa sida looga kala iibsanayaayo calamanka Somaliland isagoo hadba si loo sameeya sida shaadhadhkii rag duruucdii dumakar shalmado iyo saraawiil kuwaasi oo ay samaynaya dad aan shaqo haysan oo maalintaa shaqo aad u balaadhan ka helaaya iyagoo lacag fiican ka helaaya
Waa maalinย lagu xasuusto tiyaartiii yo wax garadii reer Somaliland ee afka la qaban jira oo la odhan jiray ha hadlina iyo dhalintaradii iyo ardaydii dhagaxaย tuurayayย ee xabada lala dhacaayay waa maalin lagu xasuusto hubkii iyo diyaaradii waa waynaa ee lagu garaacayayย Somaliland
Waxay ina xasuusinaysaa maalintii ay shacbigu gadoodeen ay ka gadoodeen taladii lixdankii ina seegtay ee aynu gacantii cadawga markaynu ka soo baxnayย aynu hadan afka ka galnay af yaxaas kaasi oo aynu markii aynu ku kacnay ay agran waayeen umad reer Somaliaย in ay is bado qabtaan oo yidhaahdaaan umada walaalihiin ah ee reer somaliand iyaga ayaa xurnimada idiinka horeeyay oo ka qaatay wadanka England markii ay qaateen waa kuwii idinka oo ku jira guumaysiga talyaaniga idiin doodeen ee ay dhaheen ha laga tago ee ka daaya waxaad ku wadaaan laakiin taas ma aysan garan waa kuwii xoogeenii iyo dhalinyarteenii SNM kaceen sidaasna aynu ku helnayn xoriyadeenii
Waxaa lagu xusuustaa maalintii inta ay diyaaradu ka kacdo caasimada hargeisa hadan ay iyada dib u duqaynaysay waxa kaloo lagu xasuusta ragiii lacagta lahaa iyo tujaarteenii la gawracaayay ee maydkoodu meelksta yaala
Waxaan iyadun xasuusta ka madhnayn wixii ku dhacaayay ragii markaa ugu cadcadaa wadankeena markay hadla iyo yidhaadaan lagu ridaayay jeelashย iyo SNM oo dhiigooda inoo qubtay maalintaas waa maalin lagu xasuusto tacadigii haysta shicibeena laagu haysta guryahay daganaayeen laga saarayay waxaan la ilaabi Karin inta nin gurigiisa iska hurda loo soo gala kabacdi la kaxaysanaayay oo lo odhanaayay waxaad ka soo hore jeedaaa maamulkii talada xumaa siyaad barreย miskiin aan waxba galabsan qudha laga jaraayay ama hantiddiisa laga xoogayay
Waxa kale oo lagu xusuusto bal hada u dhugoย โMidnimada maaalintiiย la hadal hayay lagu dhaqaqaay, dadkanaa horseed u ahaa iyadoo ay niyad wanaag iyo walaalnimo qalbigooda ka buuxdo. Nasiib daro, maalintii la is raacay shan maalmood dabadeedba Midnimadii waa lagu hungoobay, waxaanay ahayd 5tii July markii uu Yuusuf Ismaaciil Samatar Gaandhi Khudbad uu jeediyey daboolka kaga qaaday xaqiiqdii Jirtay in ahayd in is-raacii aanu u dhicin sidii laga filayeyย Midnimadiina lagu Hungoobay.
Muddo yar ka dib, waxaa bilaabmay qalalaasihii iyo afgembigii dawladii digteetarka ahayd, cid dambana talo lama waydiin, waxaana lagu war helay iyadoo dadka la isku xidh-xidhay laguna xasuuqay JAZIIRA, ganacsatadii qoorta laysugu dabay oo la dhigay Burco, Malko Durduuro, Kal-sheekh iyo goobo badan oo aan tiro lagu soo koobi karin.Waxay ahayd nabar xanuun badan iyo wax naxdin leh,
dabaal dagii shalay dhacay
dayaxii inoo iftiimay
duunyadiiiba nuurshay
dagalkoo dhan gaadhay
duunyadoo nagi ah
ku dabaal dagaynee
daa’inow allahayoow
dagdag naloo ictiraafaa
adaa deeqda baxshee
dunidoo dhan gaadhsii
duul daacada inaanahay
dal dhisan inaan nahay
dawladnimo iyo maamul leh
dastuur iyo kala danabayn
ย
madaxwayne daacada
shacbigana daryeela
maatidana daadihiyay
ka ilaasha diiftiyo
darxumadiyo dagaalada
dirirkiyo qabiilay siga
dumuqraadiyada u horseedayโฆ.( WROTE CMC)
ย
contact: Abdikhaliq Mohamed cilmi (cmc)
HargeisaโSomaliland