Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah warqad ugu diray dalka Mareykanka isagoo si indho la’aan ah ugu bandhigay in Mareykanku la wareego maamulka dekedda iyo garoonka Berbera – taas oo ka mid ah riyo maalmeedyada Villa-Somalia oo maamulkeedu ku kooban yahay magaalada Muqdisho oo kali ah.
Shacabka Somaliland wuu ka dharagsan yahay colaadda uu maamulka Muqdisho u hayo Somaliland waxase la yaab leh:
• Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo aan ka hadal arinkan ilaa imika.
• Madaxtooyada oo wax war ahi aanu ka soo bixin mar hadii warqaddu ka baxday xafiis Madaxwayne.
• Xisbiga Waddani, oo hoggaanka dalka haya, oo u muuqda in uu fasax galay ama uu door biday aamusnaan marka ay noqoto arimaha la xidhiidha Qaranimada Dalka.
Waxaa muuqata in xukuumadda cusubi aanay lahayn siyaasad arrimo dibadeed oo la taaban karo, lagana la’yahay istaraatijiyad cad oo lagaga jawaabo weerarada siyaasadeed ee si joogto ah uga imaanaya Muqdisho.
Tusaale ahaan:
- Marna lama arag xukuumadda oo ka jawaabaysa hadaladii gefka ahaa ee Somalia ku sheegtay in ay doonayso in safaaradda Itoobiya ee Hargeysa laga dhigo xafiis hoos yimaadda Muqdisho.
- Muddadii Saddexda bilood ahayd ee xukuumaddu xilka haysay Wasaaradda Arimaha Dibadda wax jawaab kama ay bixin weerarrada Diblumaasiyadeed ee Muqdisho.
Sidoo kale, Waddani iyo taageerayaashiisu waxay u muuqdaan kuwo arrimaha qaranka ka noqday daawadayaal aamusan.
Shacabka Somaliland waxa ay Iswaydiinayaan:
- Xaggee buu ku danbeeyay Wasiirka Arrimaha Dibaddu?
- Waa maxay istaraatiijiyadda ay xukuumaddu kaga jawaabayso gardarrooyinka Villa Somalia, gaar ahaan warka maanta soo baxay?
- Isbedelkii Wadani ma wuxuu noqday in laga aamuso gardarooyinka Muqdisho.
Somaliland waa dal madax-bannaan, Berberina waa Somaliland.
Waxa Qoray: Dr Abdiweli Soufi,
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technologiyadda ee Somaliland.